X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii U Horeeyay Ee Ay Yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka Iyo Wakiiladda Saddexda Xisbi Qaran Daawo

Hargeysa(ANN)Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee dhowaan la yagleelay, ayaa kulankii u horeeyay la yeeshay maanta wakiilo ka socday saddexda Xisbi Qaran si looga wadahadlo arrimaha doorashooyinka iyo hawlaha khuseeya, balse kulankaa oo ahaa mid aanay warbaahintu goob joog ka ahayn, ayaan si dhab ah loo oggayn waxyaabaha lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen.
Hase yeeshe markii uu dhamaaday, waxa faaf-faahin ka bixiyay ujeedada kulankaa iyo waxyaabaha lagaga hadlay masuuliyiinta saddexda Xisbi ku metelayay, waxayna ku tilmaameen in ujeedadiisu ahayd si looga wada hadlo dejinta qorshe la xidhiidha diyaargarowga Doorashooyinka, kaas oo nqonaya qorshaha lagu wadaagayo ee lagaga wada soconayo mudada ka hadhay doorashada aan weli la cayimin oo waqtigeedu u muuqdo mid dib u dhac ku imanayo.

Halkan Ka Daawo Masuuliyiinta Axsaabta oo sharaxaad ka bixinaya ujeedada kulanka Riix.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post