X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Loo Dheg-taagayay Ee Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Madaxweynaha Kililka Iyo Guddoomiyaha Xisbiga ?

Warbixin: By. Carraale M. Jaamac

Addis Ababa(ANN)-Kulan si weyn loogu dheg-taagayay oo magaaladda Addis -Ababa ku dhexmaray Ra’iisal Wasaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed Iyo Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Cagjar Iyo sidoo kale Axmed Shide oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Soomaalida Ethiopia, ayaa soo dhammaaday.

Kulanka Saddexda mas’uul oo ahaa mid Albaabada loo xidhay, ayaa ka qabsoomay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, mana jiro war ay saddexda masuul kasoo saareen iyo waxyaabaha ay kaga wada hadleen’ amma ay ku heshiiyeen, waxaana si weyn loo hadal hayay in kulankaa lagu faaqidayo khilaaf maalmihii u danbeeyay u dhexeeyay Madaxweynaha KIlalka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Axmed Shire oo ay labada masuul isku khilaafeen Siyaasada Hoggaaminta dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Haseyeeshee waxa lagu baahiyay muuqaal muujinaya saddexda masuul sawiradooda oo wada jooga, ayaa lagu baahiyay Bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha Ethiopia ku leeyahay facebook-ga, kaas oo muujinaya saddexda mas’uul oo is garab taagan isla markaana dhoolla caddeynaya, waxaana muuqaalka sawirka saddexda masuul la raaciyay qoraal yar oo lagu yidhi. “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka”.

Mana jiro wax intaa dhaafsiisan oo kasoo baxay kulankaa Albaabadu u xidhnaayeen, balse waxa la filayaa in natiijada kulankaa maalmaha soo socda laga arki doonno tallaabooyinka uu qaado Madaxweyne Mustafe Cagjar Iyo sida uu wax uga beddelo tallaabooyinka siyaasadeed ee horre Khilaafka u dhaliyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post