X

Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Ra’iisal Waasaraha Soomaaliya Iyo Madaxda Maamul Gobolleedka Punland Ee Garoowe

Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Ra’iisal Waasaraha Soomaaliya Iyo Madaxda Maamul Gobolleedka Punland Ee Garoowe

Araweelo News Network.

Garoowe(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka Ra’iisal wasaare Rooble la yeeshay madaxda dawlad gobolleedka maamulka Puntland, oo aan la ogayn ujeedada dhabta ah ee uu daarnaa, isla markaana Albaabada loo xidhay, waxa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebeladdaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale oo aan lagu xusin qoraalka.

Sidoo kale, kulankaa ayaa lagu macbeeyay mid qayb ka ah kulamo wadatashi ah oo uu Ra’iisal Wasaaruhu la yeelanayo Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, kuwaas oo ra’iisal wasaare Rooble ku doonayo sidii wadajir loogu waajihi lahaa, dhisidda dawladda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga.

Balse warar kale oo laga helayo maagalada Garoowe, ayaa tibaaxaya in kulankaasi noqday mid aan waxba layskula meel dhigin arrimaha lagaga wada hadlay ee la xidhidihay doorashada iyo mawduucyo kale.

 

 

 

 

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post