X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Xukuumadda, Hoggaamiyaayaasha Sadexda Xisbi Iyo Komishanka Qaranku Ka Yeesheen Lix Goobood Oo Diiwaangelintooda Lagu Muransanaa?

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Kulan Afar Geesood ah ayaa Waxaa Maanta Yeeshay Xukuumadda Somaliland,Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka kaas oo lagaga arrinsanayay inaan la Siyaasadayn Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Laga qabanayo 6 Deegaan ee dhinaca Xeebta Galbeed ee Dalka

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka, masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiliga iyo madaxda axsaabta oo shir ku wadayeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha shalay, ayaa isla gartay in xukuumaddu masuul ka tahay sugidda ammaanka iyo diyaarinta saaxad diiwaangelini kaga dhacdo deegaannadaasi lagu muransanyahay, isla markaana hawsha fulinta diiwaangelinta dadka ay u xilsaaran yihiin Guddiga Doorashooyinku oo loo daayo.
Shirkaasi oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin waxa markii uu dhammaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay hareero taagnaayeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran.
“Shirku wuxuu ku saabsanaa arrinta diiwaangelinta lixda goobood ee galbeedka, arrintaasi is-afgarad wanaagsan ayaa laga gaadhay oo waxa saddexda qaybood ee ka soo qaybgalayba ay isla garteen in arrintaa hawsheeda ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo u xilsaaran amniga iyo Komishanka Qaranka oo u xilsaaran maamulka diiwaangelinta, si buuxda ayaa la isugu afgartay oo la isugu raacay, sidaas ayaan lagu dhammeeyey,” ayuu yidhi Prof. Faratoon.
Wasiir Faratoon oo la waydiiyey inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo waxa lagu heshiiyey, waxa uu yidhi, “Waxa lagu heshiiyey in Wasaaradda Daakhiligu sugto amniga iyo inay halkaas ka qabsoomi karto oo ay si nabadgalyo ah uga dhacdo diiwaangelintu, Komishankuna inuu waqtiga loo diyaariyo uu u diyaargaroobo inuu diiwaangelinta u maamulo. Annagu, Wasaaradda Arrimaha Guduhu way qaadaysaa masuuliyaddaasi, waxaanay u diyaargaranaysaa in deegaannadaasi ammaankooda ay sugto oo diiwaangelintu ay si wanaagsan uga dhacdo, waqtigana duruufaha kolba jira ayaanu ku salaynaynaa, dadka waanu u diyaargaraynaynaa, dawladda iyo dadkuna hawshaa way ka wada qaybqaadanayaan, axsaabtuna way ka qaybqaadanaysaa, diiwaangelintuna way ka qabsoomaysaa.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post