X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Saacado Qaatay Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ergayga Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Soomaalida

Araweelo News Network

Maxdaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga qaramada midoobay ee Arrimaha Soomaalida Ambassador Michael Keating. Photo File Araweelonews

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating uga warramay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay diyaar ugu tahay inay beesha caalamka kala shaqayso wax kasta oo maslaxadda, danta gobolka iyo guud ahaanba midda caalamku jirto, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sanadka soo socda qorshaysani ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii loo asteeyey.

Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating, ayaa dhinaciisa madaxweynaha uga mahadnaqay dedaalka dhinacyada kala duwan leh ee uu wado iyo sida kalsoonida leh ee uu ula shaqaynayo beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan wada-shaqaynta dhaw ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii kulankaasi dhammaaday waxa faahfaahin kooban warbaahinta siiyey ka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaana hadalladiisii kamid ahaa,“Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”

Kulankan dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey, waxaana uu ahaa kulan midho dhal ah oo jawi wanaagsan kusoo dhammaaday.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post