X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ra’iisal Wasaare Khayre

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan


Muqdisho(ANN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre, ayaa Isku mari waayay kulan ay si gaar ah ugagay wadahadlayeen khilaafka xukuumadda Kheyre iyo guddoonka baarlamaanka kaas oo sababay mooshinka xubnaha Baarlamaanku ku doonayaan in madaxweyne Farmaajo Iyo dowladdiisa meesha laga saaro.

Guddoomiye Maxamed Mursal Iyo Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay saqdii dhexe kulan qarsoodi ah ku yeeshay Muqdisho kulankaas oo lagu sheegay mid gorgortan siyaasadeed ah.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Kheyre ku doonayay in uu guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyo ka laabashada Mooshinka ka dhan ah Farmaajo halka Mursal uu dalbaday in Mukhtaar Rooboow lasii daayo islamarkaana dib loo dhigo doorashada madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Wararka hoose ayaa sheegaya in kulanka laysku mari waayay balse ay dhinacyadu ku ballameen in kulamadu sii socdaan, waa kulankii ugu horreeyay ee dhaxmara Kheyre iyo Mursal tan iyo markii uu khilaafku billaabmay, islamarkaana guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guuray madaxtooyada Villa  Somalia.

Boqolaal xildhibaan oo kasoo horjeedo Farmaajo ayaa isku arursanayay Xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho waxayna ku guuleysteen in Mursal ay dajiyaan Hoteelka Shabelle halkaas oo uu shaqadiisa ka wato, iyadoo mooshinka sida weyn u cabsi geliyay Xukuumadda Farmaajo laga wado.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post