Muqdisho(ANN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre, ayaa Isku mari waayay kulan ay si gaar ah ugagay wadahadlayeen khilaafka xukuumadda Kheyre iyo guddoonka baarlamaanka kaas oo sababay mooshinka xubnaha Baarlamaanku ku doonayaan in madaxweyne Farmaajo Iyo dowladdiisa meesha laga saaro.
Guddoomiye Maxamed Mursal Iyo Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay saqdii dhexe kulan qarsoodi ah ku yeeshay Muqdisho kulankaas oo lagu sheegay mid gorgortan siyaasadeed ah.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Kheyre ku doonayay in uu guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyo ka laabashada Mooshinka ka dhan ah Farmaajo halka Mursal uu dalbaday in Mukhtaar Rooboow lasii daayo islamarkaana dib loo dhigo doorashada madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.
Wararka hoose ayaa sheegaya in kulanka laysku mari waayay balse ay dhinacyadu ku ballameen in kulamadu sii socdaan, waa kulankii ugu horreeyay ee dhaxmara Kheyre iyo Mursal tan iyo markii uu khilaafku billaabmay, islamarkaana guddoomiyaha baarlamaanka uu ka guuray madaxtooyada Villa Somalia.
Boqolaal xildhibaan oo kasoo horjeedo Farmaajo ayaa isku arursanayay Xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho waxayna ku guuleysteen in Mursal ay dajiyaan Hoteelka Shabelle halkaas oo uu shaqadiisa ka wato, iyadoo mooshinka sida weyn u cabsi geliyay Xukuumadda Farmaajo laga wado.