X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Musharaxa Xisbiga WADDANI Iyo Wefti Ka Socda Barlamaanka Dalka Sweden

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa maanta Xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa ku qaabilay wefti culus oo ka socda Baarlamaanka dalka Sweden, kuwaas oo uu hoggaaminayo. Mr.Arhe Ahmed-naga oo ka tirsan barlamaanka dalkaasi.

Masuuliyiinta Xisbi Mucaaradka WADDANI oo uu hoggaaminayo Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro ayaa xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay Magaalada Hargeysa maanta ku qaabilay weftiga ka socda baarlamaanka dalka Iswiidhan, iyadoo halkaasi uu ku dhexmaray kullan is xogwaraysi ah.

Dhanka kalena Weftigan ka socda baarlamaanka dalka iswiidhan iyo hoggaanka Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo musharax Cirro ayaa ka wadda haddla arrimaha doorashooyinka fooda inagu soo haya ee la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka hadda curanaya horaantiisa 2017 iyo sidii loo xoogayn lahaa dimuqraadiyada Somaliland ee loo horumarin lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu dalka iswiidhan kaalmaha hore kaga jiro dalalka somalilamd ka taageera dhanka dhaqaalaha doorashooyinka.


Ugu damayntii Kullan xurunta Xisbiga WADDANI weftiga ka socda baarlamaanka dalka iswiidhan ee uu hoggaaminayey Mr.Arhe Ahmed-naga iyo masuuliyiinta Xisibiga WADDANI ee uu hormoodka u ahaa Musharax Dr C/raxmaan Cirro ayaa ku soo dhammaaday jawi is afahan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post