Araweelo News Network
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland wuxu uga mahadceliyay Dawladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato iyo sida ay mar walba isu garab taagto Somaliland gaar ahaan dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda. Madaxweyne Silaanyo wuxu u sharraxay Danjire Marks go’aanka uu ka qaatay kala qaadista labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxtooyada Somaliland.
“Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taama oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu annagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu, Sida ay awalba yeeli jireen, waxannu ku rajo weynahay in bulshada caalamku ay rabitaankayaga nagu tix-gelin doonaan”, Madaxweynaha Somaliland.
Safiir-ku-xigeenka Dawladda Jarmalka u qaabilsan Kenya, Danjire Markus ayaa dhankiisa ku amaanay Somaliland horumarka ballaadhan ee laga sameeyay xagga dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda, waxanu tlmaamay inay muhiimtahay in la tixgeliyo arrinta saami qaybsiga baarlamaanka ee gobollada iyo bulshada Somaliland.
Kulankaas waxa Madaxweynaha JSL ku weheliyay Wasiirka Arrimaha diebdda JSL Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL Mudane Adiqani Axmed Goolle iyo Xoghayaha 2aad ee Madaxweynaha Mudane Naasir.
Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of Somaliland
Hargeisa, Republic of Somaliland