X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay

Somaliland President Muse Bihi and United Nations envoy for Somaliland and Somalia Somaliland and Somalia Nicholas Haysom

 

Hargeysa,Somaliland,(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Nicholas Haysom.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdiga ka socda qaramada midoobay, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxana diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidha Somaliland iyo qaramada midoobay iyo sidii loo joogtayn lahaa ka midho-dhalinta xidhiidhkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, isagoo arrimahaas ka hadlaya ayuu yidhi, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu madaxweynaha la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo midho dhal leh keeni kara.” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda kulankaa kadib.

 

Dhinaca kale, waxa kulanka lagu soo qaaday collaada Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, taas oo ka dhalatay muranka dhinaca xuduudka ah oo dhalisay bilihii lasoo dhaafay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Haysom oo dhowaan loo soo magcaabay inuu noqdo Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia, kaas oo lagu bedelay Ergaygii hore ee Arrimaha Soomaalida ee Qaramada Midoobay, Ambassador  Michele Kiting.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post