X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Maaxweynaha Ethiopia Iyo Amiirka Sucuudiga

Araweelo News Network
Riyad(ANN)Hoggaamiyaha Sacuudiga Amiir Salmaan Bin CabdulCaziiz ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga ku qaabilay Madaxweynaha Dalka Ethiopia Dr. Mulatu Tesho oo booqasho ku tegey halkaa

Sida lagu faafiyay Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga labada hggaamiye waxay ka wada hadleen cilaaqaadka labada dal iyo arrimaha amaanka ee mandaqada, waxayna si gaar ah usula soo qaadeen dagaalka Sucuudigu hormoodka u yahay ee Yemen I yo dagaalka Ethiopia kula jirto Ururka Al-shabaab ee Ciidamada ka jooga Somalia kula jiraan dagaalka, iyadoo Sucuudigu sheegay inuu ka taageerayo Ethiopia.
“u adeegaha Xaramaynka Boqor Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa magaalada Riyaad ku qaabilay Madaxweynaha Ethiopia Dr. Mulatu Tesho, waxayna ka wada hadleen qadiyadaha mandiqadda geeska Afrika iyo la dagaalanka Argagaxisada”ayaa lagu yidi war ay faafisay wakaaladda Wararka Sacuudiga.

Kulanka labada hoggaamiye, wuxuu kusoo beegmay xilli dowladda Mareykanka ay sare u qaadday weerarada ka dhanka ah Al- Shabaab, iyadoo ee qaar ka tirsan dowladaha gacanka carabta horeba u taageereen weerarada lagu bartilmaameedsanyo xarumaha Al-shabaab ku leedahay Somalia.
Sidoo kale wuxuu kulankan kusoo beegmay xilli tan Iyo dhamaadkii sanadkii hore rabshado ka socdeen dalka Ethiopia, gaar ahaan deegaanka Oromia.
Dawlada Sucudiga ayaa hore xidhiidh diblamaasiyaeed ula lahayd dalka ay Ethiopia sida weyn colka u yihiin ee Eriteria, iyadoo hoggaamiyaha madaxa adag ee dalkaa Isaias Afewerki dhowaan mar uu booqasho ku tegey Riyad kulamo la yeedhay Amiir Salmaanka Sucuudiga oo ay ka wada hadleen taageero Sucuudiga iyo xulufadiisu u doonayaan dagaalka Yemen oo u muuqda mid siyaasad ahaan iyo Milateri ahaanba si weyn u fashiliyay xulufada sucuudiga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post