Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran

Araweelo News Network
komishanka1komishanka1
Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee dalka, kuwaasoo ka wadahadlay arrimo khuseeya hawlaha doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI oo markii kulanku dhammaaday si kooban ula hadlay saxaafadda, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Komishanka Doorashooyinka.
Murrashaxa Madaxweynaha ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay in Komishanku u sheegeen inay ku socdaan jadwalkoodii, isla markaana aannu jirin wax isbeddel ah oo ku yimmi waqtigii loo muddeeyey in doorashadu qabsoonto.
“Komishanku warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay jadwalkii ku socdaan hawlahoodii oo ay hadda bilaabayaan daabacaaddii kaadhadhka (codbixinta), marka ay dhammeeyaan daabacaaddana u qaybinayaan gobollada, oo marba laba gobol u qaybinayaan, sida ay sheegeenna jadwalkoodu waa halkiisii, doorashaduna aanay lahayn dhaqdhaqaaq oo ay u qorshaysan tahay maalinteedii loogu talogalay, waxayna noo sheegeen in aannu werwer jirin oo hawshuna meel fiican u marayso, annaguna waannu garab taaganahay, Ilaahayna wax dhibaato ah innaguma keeno,” ayuu yidhi Biixi.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isna sheegay inay Komishanka ku barbartaagan yihiin shaqada ay u hayaan qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Wada-tashi ayaa naga dhexeeya annaga iyo Komishanka Doorashooyinka, waxayna na sii nayeen warbixintii u dambaysay, aad ayeyna u wanaagsan yihiin, arrimihiinna meel fiican ayey noo marayaan, mana jiraan wax ka qabyo ah, waxayna ku socdaan jadwalkoodii, annaguna waxa aannu u sheegnay in aannu barbar taagannahay, wixii dhibaato ah ee ka horyimaadna waannu isaga iman doonnaa.”
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xsbiga WADDANI Mr. Cismaan Afgaab oo sheegay in Guddiga Doorashooyinku ay hadda bilaabayaan hawsha daabacaadda kaadhadhka codbixiyeyaasha, isagoo xusay in xisbiyada qaranku shaqada laga wadaagaan Komishanka.

FacebookFacebookTwitterTwitterEmailEmailWhatsAppWhatsAppRedditRedditPinterestPinterestPrintPrintSkypeSkypeTelegramTelegramShareShare
AddThis Website Tools
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post
whatsapp
line