X
    Categories: Warar

Maxaa Kasoo Baxay Kulan Albaabada Loo Xidhay Oo Madaxweyne Siilanyo La Yeeshay Wefdi Faransiis Ah


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan Albaabadu u xidhnaayeen kula yeeshay maanta xafiiskiisa wefti uu hoggaaminayo safiirka dawladda Faransiiska ee Nairobi, isla markaana Wakiil uga ah dalkiisa arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Remi Marechaux oo booqasho ku yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa maanta.
Lama ogga waxyaabaha ay ka wada hadleen wefdiga Faransiiska iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay Kulankan oo ahaa mid Albaabada loo xidhay ay ku weheliyeen xubno ka mid ah golihiisa Wasiiradda, balse waxa kulankaa ka dib saxaafada si wadjir ah sharaxaad kooban uga siiyay Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Faransiiska ee hogaaminayay Wefdiga Mr. Remi Marechaux.

 

Mr. Biixi, wuxuu sheegay in kulanku ahaa mid la isku xog-warraystay, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo warbixin ka siiyey safiirka horumarka dalka iyo wixii u qabsoomay muddadii ay Somaliland jirtay, isagoo ku dheeraaday in dalka Somaliland yahay mid iskii wax u qabsaday, horumar ballaadhana ka sameeyey arrimaha nabadgalyada, waxbarashada, caafimaadka iyo geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Faransiiska u fadhiya Nairobi oo Dawlada Faransiiska Wakiil uga ah Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Remi Marechaux, waxay si wadajir ah sharaxaad kooban uga bixiyeen waxyaabaha lagaga wadahadlay kulankaa.
Mr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa warbaahinta, waxa kale oo uu warbaahinta u sheegay dhinaciisa in qodobadda ugu waawayn ee Madaxweynaha iyo Safiirka Faransiisku ay kaga wadahadleen kulanka ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo sidii Faransiisku maalgashi ugu samayn lahaa dalka Somaliland.
Sidoo kale wuxuu xusay in Dawlada faransiisku taageero u muujisay hawlaha dhinaca horumarineed, isla markaana ay gacan uga gaysan lahayd wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo uu soo hadal qaaday Safiirku, isla markaana uu sheegay in ay dedaal ka qaadan doonaan sidii qadiyada Somaliland u heli lahayd taageero dhinaca dublamaasiyada ah.
Kulankaa, waxa Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada Arrimaha Dibedda , Qorshaynta Qaranka , Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post