X
    Categories: Warar

Maxaa Ka Jira In Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo Iyo Qoyskiisu Ka Cadhoodeen Shirweynaha KULMIYE.?

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)– Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si lama filaan ah uuga dhoofay Madaarka Caalmiga ah ee Egal International ee magalaada Hargeysa.

Axmed Siilaanyo oo ay safarkaa ku weheliyeen Marwadiisa Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris) iyo Wiilka uu sodogga u yahay Ambassador  Baashe Cawil Cumar, oo Xilligan ah Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya, waxayna  u boqoolay shalay Dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo Madaxweynihii hore Axmed Siilanyo ay deganaayeen tan Iyo markii uu xilka Madaxweynaha ku wareejiyay Madaxweynaha Xilligan ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Kaddib doorashadii uu sida weyn ugu guulaystay markii labaad Hoggaaminta Dalka 2017.

Socdaalka Xilligan ee  Axmed Siilaanyo, ayaa abuuray dareen siyaasadeed, wuxuuna kusoo beegmay xilli ay wax ka yar saddex asbuuc ka hadheen  shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo durba qaban-qaabadiisa ay ka dhasheen loola abuuray khilaafaad sababay in siyaasiyiinta hungarigu ka hayay ee quud-daraynayay dibedda ka qayliyeen.

 

Madaxweynaha hore iyo Qoyskiisa oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Hargeysa, ayaan la hadlin warbaahinta, Isla markaana ma cadda in Safarkooda Xilligan ee dalka dibeddiisu oo ku soo beegmay maalmaha lagu jiray diyaar-garoowga shirweynaha Afraad aad ee Xisbiga Kulmiye.

Balse waxa Jira safarkaa Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii aasaasay xisbigaa ee mudada dheer Mucaaradka ahaa ka hor Intii aannu ku guulaysan doorashadii Sannadkii 2010, balse guusha doorashada Kaddib ku wareejiyay Madaxweynaha xilligan guddoomiyaha Xisbiga.

wararka qaar ayaa sh sheegaya in Axmed Siilaanyo Iyo Qoyskiisu ka cadhoodaan qaabka loo wado qaban-qaarada shirweynaha Xisbiga, Isla markaana ka muujiyaan saluug weyn, taas oo ay isku fahami waayeen Mdaxaxeyne Muuse Biixi oo isagu weli  haya Guddoomiyaha   Xisbiga, taas oo sababtay in Aasaasihii Xisbiga Axmed Siilaanyo Iyo Qoyskiisu ka dhoofay Dalka Xilligan maalmaha kooban ka hadheen shirweynaha Xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale, wuxuu safarka Axmed Siilaanyo Iyo Qoyskiisu kusoo beegmay, iyadoo ay taagan tahay xiisada  ka dhalatay shirweynaha   Xisbiga Kulmiye ee aan weli la gaadhin, taas oo ka dhex taagan Madaxeyne Muuse Biixi oo weli ah guddoomiyaha Xisbiga Iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa wasiirada ugu dhodhowaa Axmed Siilaanyo markii uu xilka hayay Iyo xilligii uu aasaasay xisbigaa Iyo weliba Siyaasiyiin kale oo ay hormood u yihiin Wasiirkii hore ee Qorshaynta  Qabyo.

si kastaba  ha ahaa tee waxa socdaalka Xilligan ee Axmed Siilaanyo Iyo Qoyskiisu Muujiyay jirtitaanka Khilaafka ka Jira Xisbiga dhexdiisa oo saamayn ku yeeshay Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan Iyo kuwo bannaanka ka ah xayndaabka Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kuwaas oo ay ka min yihiin Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Sayli oo ay iska lushaan Wasiirada Ganacsiga Iyo Beeraha, kuwaas oo doonaya kaalintii uu ku lahaa Xisbiga Madaxeyne xigeenku ay ka riixdaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post