Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)-Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka codsatay Mareykanka taageero milatari oo deg deg ah, taas oo ay sabab uga dhigtay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay dalka Iraan ugu dhoofiyaan macdanta loo yaqaan Yuuraaniyaamta oo la rumaysan yahay in ay Soomaaliya ku jirto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo dhambaal u diray safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Stephen Schwartz, ayaa sheegay in kooxda Al-shabab ay qabsatay dhul muhiim ah oo hodan ku ah macdanta Yuuraaniyaamta oo ku yaala bashtamaha Soomaaliya, gaar ahaan deeganka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ujeedada Al-Shabaab tahay in macdantaasi ay u dhoofiso dalka Iraan. Sidaa awgeed arrintaasi ay halis ku tahay guud ahaan beesha caalamka, isla markaana aanay halista ka dhalataa ku ekaan doonin oo kaliya xudduudaha Soomaaliya.
“Mareykanka oo kaliya ayaa awood u leh in uu ogaado, isla markaana uu burburiyo shakhsiyaadka Al-Shabaab ee ka hawlgala dalkayaga, wakhtiga duqeynta bartilmaameedka leh iyo ka qaybqaadashada xaddidan waa la soo dhaafay, maaddaama dhibaatooyinka Soomaaliya ay la falgashay dhibaatooyinka caalamka. Maalin kastaa oo dhammaata iyada oo aanay jirin faragelin ayaa waxaa ay siinaysaa cadawga Mareykanka agab dheeraad ah oo loogu talagalay hubka Niyuukleerka.” ayuu yidhi, Yuusuf Garaad.
Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ee ay teegeeraan ciidamada AMISOM, ayaa kaalmo milatari oo deg deg ah weydiisatay Mareykanka, iyadoo sabab uga dhigtay dalabkeeda arrimo la dhibaatada hadda jirta oo sida ay sheegtay ah kuwo ka baaxad weyn ciidankeeda iyo kuwa hawlgalka midowga Afrika ee waddankeeda jooga, balse dalabkaa dawladda Soomaliya weli kama jawaabin waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, iyadoo warbaahinta Mareykanku sheegtay in dhambaalka codsiga dawladda Soomaaliya uu soo gaadhay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.
Hase yeeshee Khubarada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay codsiga dowladda Soomaaliya, waxayna qaarkood shaki gelinayaan awoodda Al-Shabaab ay ku dhoofin karaan macdantaasi.
Cabdiqaadir Xaaji Xasan oo ku takhasusay cilmiga kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa ku doodaya in ay adag tahay in Al-shabaab hesho macdantaa, balse waxa uu xusay in ay suuragal tahay in Shabaabku uu macdantaasi isku dayo in uu dhoofiyo.
“Ciidda iyo macdanta Yuuraaniyaamta in la kala garta waa ay adag tahay, waxayna u badan tahay in Shabaabku aanay haysan qalab iyo khibrad ay ku kala soocaan haddiiba ay jirto,” ayuu yidhi Cabdiqaadir oo BBC-da la hadlay.
Cabdiqaadir wuxuu intaasi ku daray “Balse waxay sameyn karaan sida horeyba aan maleynayo in ay u dhacday in jawaanno ka buuxiyaan carrada iyo macdanta oo isku jira dabadeedna ay isku dayaan in ay dibadda u dhoofiyaan.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale Dadka ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in codsigaasi looga gol-leeyahay in lagu kasbado ciidamo badan oo Mareykan ah in ay ka hawlgalaan Somaaliya oo Al-Shabaab ay hadda ka waddo olole rabshado wata.
Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya, haddana ah agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu arkay dhambaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu u maleeyay in uu yahay mid been abuur ah.
inkastoo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay jiritaanka dhambaalkaasi, Xaashi waxa uu walaac ka muujinayaa dhowr arrimood oo ku saabsan dhambaalkaasi.
Xaashi ayaa VOA u sheegay “Ugu horreyn, dhambaalkaai waxaa qoray wasiir waxaana loo diray safiir; waxa ay ahaan lahayd in uu u diro dhiggiisa Mareykanka.”
Dhambaalka Yuusuf Garaad Cumar ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku tilmaamay in ay xidhiidh la leedahay Daacish, iyadoo dhab ahaantii muddo dheer lala xidhiidhinayay Al-Qaacidda, arrintaa oo shaki ka qabo Xaashi.
“Waxay ahayd sidoo kale Al-Shaab la xidhiidhiyeen Daacish, mana lala xdhiidhin karayo,” ayuu yidhi Xaashi.
Daacish waa magac loo adeegsado in loogu yeedho mintidiinta kooxda dowladda Islaamka.
Sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in Al-Shabaab ay xidhiidh la leedahay Daacish ayaa ah mid aan waafaqsanayn xaqiiqada ka jirta gudaha Soomaaliya, halkaasi oo mintidiinta Shabaabku ay khaarajiyeen taageerayaasha kooxda Daacish.
Al-Shabaab iyo mintidiin daacad u ah kooxda dowladda Islaamka ayuu dhowr jeer gacan ka hadal gudaha Soomaaliya ku dhex marayay tan iyo sandkii 2015-kii.
Mar Xaashi wax laga weydiiyay eedeynta ah in Iraan ay dooneyso macdanta Yuureeniyamta ee Soomaaliya ayaa ku jawaabay “Waddankani waa mid burburay…. haddii Iraan ay wax uga baahan tahay Soomaaliya, waa suurtagal in ay rumeysan yihiin in ay ka heli karaan sababtoo ah dalkan ayaa ah mid cid kasta u furan.”
Haseyeeshee Cabdirashiid Xaashi waxa uu leeyahay waxaa suurtagal ah in codsigaasi looga gol-lahaa sidii taageero milatari oo dheeraad ah looga heli lahaa Washington.
Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciiadmo tiro yar oo tababaraya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya.
Mareykanka ayaa tan iyo sandikii 2011-kii waxa uu sidoo kale qaaday hawlgallo duqeyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay xubno sar-sare oo ka tirsam Shabaabka.
Xiggasho: BBC