KAAH. Waa Oogta Waaberi, Waa Daad Aan Lamoosi karin,wuxuu kasoo baxay 17ka Degmo Doorasho ee dalka, wuxuu hormood u yahay Isbedelka necebi ma hor joogsan karaan ee Kulmiyoow ee Daadku Yuu idin Qaadin, Guddoomiye Maxamuud Oo Farriimo Cabsi Gelin Ah Ku Muujiyay Cududdiisa
#Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Xamaasadda Ollolaha Isu so baxa Doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo tartanka Ururada ayaa loo dareemay si ka duwan shantii maalmood ee u danbeeyay, iyadoo guud ahaan dalka oo dhan laga dareemay Olollaha maalintii Lixaad oo uu lahaa Ururka KAAH oo loo tiriyo midka ugu awoodda badan, isla markaana xagga abaabulka iyo is diyaarinta lagu majeerto.
Magaalada Hargeysa ee Caasimadda iyo Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan ayaa looga dareemay qaab ka duwan isu soo baxyadii hore calanta Ururka Dhiiga u eeg oo ah midab idbaha kaala soo baxaya, isla markaana ay weheliyan Booadhadh waaweyn iyo dalabada qariyay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee caasimaddaha oo ay ugu horayso Hargeysa ayaa sida daadka ugu qulqulay subaxdii hore goobaha loo asteeyay.
Madaxda sare ee Ururka KAAH, ayaa hadalo xamaasadaysan ka jeediyay fagaarayaasha, iyagoo ku dhawaaqaya weedho shucuurta iyo dareenka kumanaan taageerayaashooda ah oo u jeelan isbedel in laga sameeyo dalka ugu bushaareeyay innay KAAH hormood u tahay sidii dalka isbedel dhab ah looga samayn lahaa, isla markaana doorashada Madaxtooyadda loogu coddayn lahaa Murrashaxiinta WADDANI ee ay is xaabadhaysteen xeelladdaha siyaasadda iyo xoojinta guusha isbedelka. sidoo kale, waxay taageerayaashooda si cad ugu sheegeen in is muujinta maanta ay markhaati u tahay dalka oo dhan in Uturkoodu aannu ahayn mid qabiil, ama qoys, isla markaana ku koobban gobol iyo degmo gaar ah, ama laba gobol iyo wax la mid ah, balse ay shacbiga Somaliland iyo cid walba markhaati ka tahay in looga soo baxay oo ay olollaha Khamiistii kasoo wada baxeen 17 degmo doorasho pp dalka ah, sidaa awgeed ay si weyn ugu kalsoon yiihiin in Ururkoodu u gudbo Xisbi Qaran marka la gaadho doorashooyinka 13 November 2024.
Ururka KAAH, oo ah Ururka keliya ee gollaha wakiillada ku leh Xildhibaano ayaa isu qaybiyay fagaarayaasha dalka, sidoo kale, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ayaa fagaarayaasha isu soo baxa KAAH waxay ka jeediyeen khudbado dhaadheer iyo dhawaaqyo yididiilo xanbaarsan ka buuxiyeen dheggaha kumanaan taageeraashooda ah oo isku xilli ku wada sugnaa Ceergaabo ilaa Awdal iyo Salal iyo degmooyinka waaweyn ee dalka oo dhan oo isu beddelay daruuro iyo hirar casaan ah oo ahaa sawirka ay yeesheen taageerayaasha KAAH ee ku qulqulayay fagaarayaasha.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isagu isaga dab qaaday inuu taageerayaasha suxabdii hore kula hadlo fagaaraha beerta xorriyadda ee Hargeysa, halkaas midabada casaanka ee KAAH u muujiyeen mawjado iyo hirar midabkoodu casaan yahay oo mararka u muuqday daruuro dhiig ah, ama ollolka dabka, wuxuuna markaa kaddib u gudbay Guddoomiye Xaashi dhina Magaalada Gebilay oo uu ka jeediyay khudbad xanbaarsan farriimo dhaliilo ah, isagoo ku amaanay taageerayaasha meel walba oo ay joogaan sida ay u muujiyeen cududooda.
” isu soo baxyada ka bilaabay Ururka KAAH, waad aragtaan 17ka degmo doorasho ee dalka ayaa laga soo baxay sacab laguma qarinkaro Oogta iyo iftiinka uffada is bdedelka uu horseedka u yahay Ururka iyo isbahaysiga, waxaan ugu baaqaynaa kuwa is leh iska moosa daadka, waar ma moosi kartaan ee yaanu idin qaadan, bulshadana waxaan leeyahay soo raaca isbedelka oo wada dhuxuleed ha raacina , ha anbanina.”ayuu yidhi.
Guddoomiye Xaashi, wuxuu sheegay in Xisbiga KULMIYE dalka geyaysiiyay faqri iyo dib u dhac iyo inuu ummadda kala qaybiyo, “KULMIYE, iyo Xukuumaddiisa waynu beddelaynaa, KULMIYE, waa tartame nala mid ah, xaq umma laha in uu u dawladeeyo oo ku xad gudbo xuquuqda dastuuriga ah ee aannu leenahay, waxa la xidh-xidhay taageerayaal KAAH, oo Hargeysa lagu xidhay, waxa la joojiyay Gebilay xaflad Ururkayagu lahaa habeenkii aannu xaqa u lahayn, waxaana la qabtay xaflado KULMIYE ah, waxa la xidhay guddoomiye ku xigeenkii kaanbaynka ee Ururka KAAH ee Gebilay, waa sharcidaro, waa denbi cad iyo gef, waa in degdeg loo soo daayaa dhamaantood, gudidda doorashooyinka waxaan u gudbinaynaa dacwad ka dhan ah tacadiyada.” ayuu yidhi, Guddoomiye Maxamuud Xaashi.
Wuxuu sheegay in xadhiga iyo caga-jug;ayntu aannay waxba ka beddelayn daadka is bedel-doonka ee KAAH hormoodka u yahay, “waar nalama cabsigelinkaro, waa inoo sanduuqa iyo 13 November Kulmiyoow.”
Khudbadii Guddoomiye Xaashi ee fagaraha beerta Xorriyadda Hargeysa
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com