X
    Categories: Warar

Masuulkii Saddexaad Ee Iska Casila Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(ANN)Masuulkii saddexaad ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaaa iska casilay xilka, wasiirkii Wersheddaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacadde), ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka. kadib markii sida uu sheegay Kuugta Madaxtooyadu baddatay.

Wasiir Abiib, ayaa is casilaadiisa kusoo beegay kadib markii maalmihii lasoo dhaafay isku shaandhayn xukuumadda lagu sameeyay oo ka cadhaysiisay Wasiirkii Maaliyadda Cabdicasiis Samaale ay sababtay khilaaf siyaasadeed oo ka muuqada saaxadda siyaasadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo sidoo kale uu shalay is casilay La-TaliyihiiMadaxweynaha ee dadka la hayb-sooco Barkhad Jaamac  Xirsi.

Wasiirka Wersheddaha ee is casilay, waxay isku koox ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, kuwaas oo ka mid ahaa kooxda mayalka u hayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, balse waxay u muuqataa in waqtigan kooxda qarsoon ee awooda baddani ku guulaystay inay debedda dhigto kooxda ay hormoodka u yihiin Samaale iyo saaxiibadii, kuwaas oo loolan muddo dheer soo taxnaa loo arko in lagga hurgufay xilligan qasriga Madaxtooyadda oo ay awood baddan ku lahaayeen.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post