Araweelo News Network

US President Donald Trump (Photo by AFP)

US President Donald Trump (Photo by AFP)

Washington (ANN)- Maamulka Gobolka Washington, ayaa noqday gobolkii u horreeyey ee ku dhawaaqa inay dacwad ku oogayaan Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump kadib go’aamadiisa uu ku mamnuucay socdaalka.

Mr. Bob Ferguson

Mr. Bob Ferguson


Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Washington Mr. Bob Ferguson, ayaa ku dhawaaqay inuu ku dacwaynayo Madaxweyne Trump go’aankiisa uu sida ku-meelgaadhka ah uga mamnuucay dalkiisa inay soo galaan dadka ka imanaya toddobada dal ee Muslimka ugu badani ku noolyihiin iyo amarka uu ku joojiyey barmaamijkii Maraykanku dib-u-dejinta ugu samayn jiray qaxoontiga, iyadoo arrintaasi dhalisay mudaharaadyo waawayn oo lagaga soo horjeedo tallaabooyinkan uu qaaday Madaxweynaha cusub.
“Haddii ay guulaysato (dacwadda Trump) waxay noqonaysaa mid keenta in laga takhaluso ficilka Madaxweynaha ee soo horjeeda sharciga dalka oo dhan,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha guud ee Gobolka Washington Mr. Bob Ferguson oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay shalay.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Gobolka Washington waxa uu ka mid ahaa 16 xeer-ilaaliye gobol oo ka mid ah dalka Maraykanka oo Axaddii soo saaray qoraal ay kaga soo horjeedaan go’aamada Trump oo ay ku tilmaameen kuwo ka dhan ah Maraykanka iyo sharcigiisa.
Faylka dacwaddan oo ka dhan ah Madaxweyne Trump, Waaxda Arrimaha Gudaha Maraykanka iyo masuuliyiin sarsare oo ka mid ah xukuumaddiisa, ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey Maxkamadda Federaalka ee magaalada Seattle.
“Waxaannu nahay dal salka ku haya ku dhaqanka sharciga, waayo, qolka maxkamadda maaha codka ugu qaylada dheer waxa keena guusha, laakiin waa dastuurka. Ugu dambaynta, waxaad noqon doontaa mid u hoggaansama dastuurka ama waad ka soo horjeedsan. Annaga aragtiyada Madaxweynuhu maaha mid u addeecsan dastuurka markay noqoto go’aankan uu soo saaray,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Gobolka Washington.
Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Washington Mr. Jay Inslee, ayaa isna ku tilmaamay wax bani’aadanimada ka soo horjeeda go’aanka mamnuucista dadka soo galaya Maraykanka ee Madaxweyne Trump.
“Go’aankani waa mid ka dhan ah Maraykanka, waa khalad, mana soconayo. Ujeeddada cad ee amarkani waa takoorid hal caqiido lagaga saaray dadka Ilaahay,” ayuu yidhi Badhasaabka Washington.
Mar la waydiiyey Badhasaabka inuu ka cabsi qabo aargoosi kaga yimaada maamulka Madaxweyne Trump, waxa uu yidhi, “Waxba lagama saadaalin karo Madaxweynahan, laakiin waxba ka goosanmayno arrintan, nalooma hanjabi doono, nalooma caga-juglayn karo.”
Kambaniyada ugu waawayn ee Tiknoolajiga ee fadhigoodu yahay Gobolka Washington oo ay ka mid yihiin Amazon.com Inc iyo Expedia Inc, ayaa taageeraya dacwaddan Xeer-ilaaliye Ferguson saarayo Madaxweyne Trump.
Sidoo kale, shirkadda Microsoft Corp ayaa sheegay in ay taageeri karaan dacwaddan kadib marka ay ka helaan xafiiska Xeer-ilaaliyaha Gobolka Washington xog la xidhiidha saamaynta uu yeelan karo amarka Madaxweyne Donald Trump.
Geesta kale, Donald Trump ayaa shaqada ka eryay Xeer-ilaaliyihii Guud ee dalka Maraykanka Sally Yates, kadib markii ay su’aal galisay sharcinimada mamnuucitaanka qaxootiga ee uu soo saaray Madaxweynuhu.