X
    Categories: Warar

Masuuliyiin Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey

Masuuliyiinta lagu dhaariyay Madaxtooyadda 16 Dec 2018.

Hargeysa(ANN)- Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’addaha kala duwan ee xukuumadda, ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.


Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada iyo Xuquuqal Insaanka, ayuu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiye-ku-xigeenka maxkamdda sare, ahna ku simaha guddoomiyaha, Garyaqaan Maxamed Cumar Geelle.

Madaxweynaha, ayaa markaa kadib masuuliyiintan kula dardaarmay inay ilaaliyaan masuuliyadda culus ee dushooda saaran, kuna dedaalaan caddaaladda iyo sinnaanta, iyada oo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu goob-joog ka ahaa dhaarta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post