X
    Categories: Warar

Masjidka Cali Mataan Ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa Oo Laga Helay Shandad Looga Shakiyay Waxyaabaha Qarxa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Masjida Cali Mataan oo ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa caawa laga helay Shandad looga shakiyay inay ku jiraan waxyaabaha qarxa, taas oo shaki ku abuurtay dadka ku cibaadaysanayay Masjidka Salaadii Cishaa’i.

Dad goob joog ah, ayaa u sheegay Araweelo News Network in lagu arkay caawa Kaabada dibadda ee Masjidka Shandad si weyn looga shakiyay, taas oo aan la ogayn waxa ku jira, balse loo malaynayo in waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado qaraxyada.

Ciidamada Booliska, ayaa goobta tegey markiiba, waxayna halkaa ka qaadeen shandada, iyadoo aan la ogayn cida shandada goobta dhigtay. Sida dad Masjidka ku tukaday u sheegeen Araweelo News Network, saraakiisha Booliska oo aanu isku daynay inaan wax ka weydiino ayaanay noo suurta gel in.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post