X
    Categories: Warar

Marxuum Fu,aad Aadan Cadde Oo Aas Qaran Loo Sameeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiinta Qaranka Oo Ka Qaybgalay

Madaxweyne Siilaanyo I yo Guddoomiyaha Wakiilada ee Hogaamiya xisbiga WADDANIr

Hargeysa(ANN)Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo ahaa halyey ka mid ahaa siyaasiyiinta I yo Odayaasha Somaliland ee kasoo jeeda deegaanka Sool, ayaa maanta si heer qaran ah logu aasay xabaalaa Naasa-hablood ee Bariga Magaalada Hargeysa. Kaib markii maykiisa laga soo dejiyay diyaarad lagaga soo qaaday dalka Turiga oo Marxuumku ku geeriyooday todobaadkii hire.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo masuliyiinta kale ee Qaanka ayaa ka qaybgalay Aaska marxuumka oo si heer qaran ah loogu Aasay maanta xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga Caasimada Somaliland ee Hargeysa

????????????????????????????????????

Mayka marxuumka ayaa lagu deday calanka Somaliland, iyada oo ay marxuumka sideen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, marxuumkana ay salaan sharaf siiyeen cutubyada ciidanka qaranka ka socday ee gelbinaayey marxuumka.

madaxweynaha qaranka Somaliland oo ay weheliyeen qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, waxgaradka, aqoonyahanka, masuliyiinta xukuumadda, Shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka, Asxaabta Mucaaradka iyo qolayaasha qaranka iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qaybgalay Aaska marxuumka.

Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta kale ee ka had lay ayaa dhamaantood qiray dorkii uu Marxuum Fu’aad ku lahaa dib u dhiskii dalka I yo nabadayntii Somaliland, kuwaas oo sidoo kale ka waramay halyaynimadiisii I yo inuu aha a shaqsi mar walba mawqifkiisu yahay mid cad.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post