X
    Categories: Warar

“ Marxuum Aniis Saalax Xaaji Xasan waxa uu ahaa nin qarankan wax weyn ku leh, gaar ahaan gobolka Sanaag oo uu ka qayb qaatay Nabadiisa iyo Horumarkiisa.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Araweelo News Network

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi

Burco (ANN) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi masuulyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Buco kaga qayb galay aas qaran oo loo samaayey Gudoomiyihii waxbarashada gobolka Sanaag oo shil gaadhi ku geeriyooday.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo warbaahinta kula hadlay xabaashad dusheeda ayaa sheegay in Marxuun Aniis Saalax Xaaji Xasan uu ahaa Muwaadin hawl kar ah, kana soo qayb qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii gobolka Sanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa yidhi “ Waxa aynu nahay adoomo ILAHAY dhamaanteenba waynu wada dhimanaynaa, waxa aynu maanta joognaa xabaashii marxuuum Aniis Saalax Xaaji Xasan, oo geeri naxdin lihi ku timid. Waxaan halkan ka tacsiyadaynaynaa qaraabadii, eheladii iyo asaxaabtii faraha badnayd ee uu Aniis lahaa, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, gaar ahaana shacbiga gobolka Sanaag si gaar ah waxaan u tacsiyadaynayaa bahda waxbarashada ee uu ka mid ahaa Aniis, isagoo ahaa gudoomiyihii waxbarashada gobolka Sanaag.”

Wasiirka ayaa ka hadlay shaqsiyada marxuunka waxanau yidhi “ Aniis Saalax Xaaji Xasan oo maanta inaga hooseeya, walaalkeen ILAHAY waxa aynu ugu baryeynaa dambi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ka waraabiyo, janada fardawsana uu galiyo. Aniis waa nin wayn oo qarankan qiimo ku leh oo caan ah, waxaanay ka muuqadataa maanta xabaashiisa sida loo yimid iyo bulshada kala duwan ee aaskiisa ka soo qayb gashay, Aniis waxa uu ahaa nin qarankan wax weyn ku leh, gaar ahaan gobolka Sanaag, nabadiisa iyo horumarkiisaba, midnimadiisa iyo wadajirkiisaba, dadkii ka soo qayb qaatay midayntii iyo nabadayntii bulshada gobolka Sanaag ayuu ka mid ahaa. Wuxuu ahaan jiray intii aanu noqon gudoomiyaha waxbarashada gobolka noqon Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag ilaayo wakhtigii dalka lagu soo laabtay, ILAHAY Walaalkeen ha u naxariisto inaga ILAHAY Khaatumo ha inoo wanaajiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post