Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)-Xaaska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna marwada koowaad ee qaranka marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ka sheekaysay dhacdooyin xannuun badan oo ka dhashay abaarta saamaynta ku yeelatay bulshada reer Somaliland.
Marwo Aamina-weris oo fariin la xidhiidha qaadhaan-ururinta 18-ka May soo saartay, waxa ay ka xog-warantay gabadh meel cidlo ah ku umushay oo ilmihii yaraa waraabe cunay iyo nin isku daldalay duruufaha ka dhashay abaarta, iyadoo si murugo ah uga hadashay saamaynta abaartu ku reebtay dadka reer Somaliland.
“Waxyaabaha qaar baad ka naxaysaa oo gabadhii sannadkii hore ku umushay degaanka Qolujeed markii cidlo lagaga guuray ayey foolatay, markaas qofkii yaraana waraabe ayaa qaatay, iyadiina ay halkii ayey ku dhiig-baxday oo ku dhimatay. Waxa naxdin lahayd ninkii markii uu adkaysan waayay ee murugo ka badatay isdaldalay, Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu adoonkaasi cafiyo oo naxariistii janno ka waraabiyo,” ayey tidhi marwada Madaxweynuhu.
“Waa in aynu dadka sidaas oo kale ah murugada la qaybsanaa, kuna dedaalnaa in aanay taas oo kale dhicin, waxaan anigu jecelahay oo aan ku talinayaa in aynaan maanta waxba kala hadhin abaartaas.”
“Markii Madaxwaynuhu soo kormeeray abaarta ee bishii Novembar 2016 siday maanta u hayso ayay u haysay, wali waxaan xasuustaa magaalada Xudun ayaanu ka nimi oo Ceel-afweyn ayaanu ku soconay, dhulalkii aanu maraynay sidee bani’aadam ugu nool yahay ayaan is waydiiyay, dad fara badan oo dhulkaas aad iiga yaqaana ayaa igu yidhi ‘Aaminaay, waxaanad soo marin iyadoo roob da’ay, waxaa aad arkaysaa cagaar ayay noqonayaan, waa meesha xoolaha ugu badan ee Somaliland ku tarmaan, waayo waa dhul nafaqo leh oo geeduhu si fudud uga soo baxaan, maantana waadigaa arkay sida ay u gubteen.” Markaa dhibaatadu aad ayey u wayntay.”
Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa tilmaantay in safarka ay ku mareen bariga Somaliland ay kula kulmeen inan ka mid ah bulshada xoolo-dhaqatada ah oo u sheegtay inay abaarta ka hor qoyskoodu lahaayeen saddex tiro oo adhi ah (300 neef), haddana ay ilaa sodomeeyo neef u hadheen, intii kalena u bakhtiyeen abaarta, xilligaas oo ahayd bishii November 2016, iyadoo marwada Madaxweynuhu xustay in gabadhaasi yari diiday lacag yar oo ay markaas isku dayday inay siiso.
“Waxaan uga jeedaa dadkeenu waa dad sharaf badan, waa dad wax haysatay, waa dad inagana wax inoo tarayay inteena magaalada joogta adhiga dekeda Berbera ka dhoofa ee dakhligeenuba ku salaysan yahay waxay ahaayeen dadka wax-soo-saarka ugu badan keena dalka maanta iyagii ayaa inoo baahan,” ayey tidhi marwo Aamina-weris.
“Maanta reer Somaliland baaqa aan u dirayaa waxa weeye khaasatan haweenka dhaaxo (in badan) ayeynu wax ururinay oo ilaa halgankii oo aynu Ingiriiska joognay ayaan xasuustaa haweenka reer Somaliland in ay toddobaadkii amma bishii hal mar aannu samayn jirnay xaflado aanu lacag ku ururinayno oo aanu mujaahidiinta iyo halganka u ururinaynay, waxa aanu ururinaynay rubuc kamay noqonayn wax ay dadka reer miiga ah ururiyaan, waayo adhigooda iyo inankooda ayuu ahaa wixii lagu dagaalamayay, taas waa in aynaan ilaawin.”
“Haweenka reer Somaliland waa haween aad u karti badan, waa haween wax quudha, waa haween isu tashada,waa haween markay qadhaadhaato gurmadka halka ugu horaysa kaga jira, marka ay hawluhu fiican yihiina hormuudka ka ah.”
Waxa kaloo ay intaas raacisay; “Dawladdu wax alle waxay dadkaasi ka hagratay ma jiraan wixii bajadka (miisaaniyadda qaranka) inoogu jiray waxynu mashaariic horumarineed ugu talo-galnay, mushaharkii shaqaalaha waxaan ahayn dawladdu abaartaasi way u hurtay, sidaas marka ay tahay inagu waxaynu nahay dadka abaalka loo galay yaqaan, dawladaha waxa abaalka ina tara kama abaalka dhacno, laakiin gurmadkii aynu rabnay hay’adaha iyo dawladaha caalamkaba sidii aynu rabnay ugamaynaan helin, laakiin inagii ayaa isu tashanay oo hay’adihii islaamiga ahaa oo inoo keenay allaab. Dawladaha caalamka iyo Qarammada Midoobay inkasta oo ay ku dhawaaqeen lacag fara badan oo ay ugu deeqayaan dawladaha Soomaalida, haddana wali wax waaweyn oo ina soo gaadhay ma jiraan, abaal ka-dhacna maaha, wax way na soo gaadheen, laakiin sidii aanu rabnay maaha, ta (taakulaynta) aynu inagu qabsanay ayaa ka badan maanta.”
“ALLE waa ku mahad oo roobkii meelo fara badan ayuu ka da’ay meelo badan imminka haraadkii waa laga baxay, macnuhuna maaha roobkii ayaa da’ay oo dadkii way badbaadeen marka dadkii oo jilicsan iyo xoolihii oo meel walba bakhtigoodii yaalo oo daadadku berkedaha ay soo gelayaan biyo wasakhaysan, dadkii xannuuno ayaa ku dhacaya, shubano ayaa ku dhacaya, nafaqo-darro ayaa ku dhacaysa, markaa hawshu nagamay dhammaan, roobkii Alle wuu inoo shubay, laakiin gurmad ayaa la inooga baahan yahay oo laba qaybood u qaybsan
1. In dadkii loo gurmado oo caafimaadkooda dawooyinka shubanka loo qaado, kuwa xumada loo qaado, dhar loo qaado, waxaas oo dhami dhaqaale ayey u baahan yihiin.
2. Abaartan inagu soo noq-noqonaysa sidee ayaynu uga hor tagnaa. Horta abaarta Ilaahay (SWT) ayaa keena, maanta inaga oo kaliya maaha ee mandaqada oo dhan ayay ka jirtaa caalamkii buurihii barafka waligood ahaan jiray ayaa dhalaalay inaga mandaqada Geeska Afrika oo dhan bay haysaa cimiladii ayaa is beddeshay waxaynu gacanteena ku kasbanay maaha, wax ay dawlad-xumo inoo keentay maaha wax dad caasiyiin ahi sababeen maaha, Ilaahay ayaynu baryaynaa, ALLE wuxuu yidhi aan idin badbaadiyee idina is baydhiya markaa si sanad walba aynu ka tabaabushaysano, maadaama cimiladii is beddeshay.
Maanta Madaxwaynihii waxa uu saaray guddi tabaabushahaas galaysa. Sidee ayeynu abaarahaas uga hor tagi karnaa? Sidee ayaynu dhaamam, ceelal ama seerayaal u dhisi karnaa? Maanta waxa dhacday dadkeeni reer guuraaga ahaa meel walba waa laga ootay, markaa imminka haddii xaataa ceel u muuqda ay is yidhaahdaan ka soo cabba waa in ay 20km, kaasoo wareegaan, waayo nin baa iska ootay oo waliba geedahaas ka baxa iyaga ka iibiya, seerayaashaas waynu baabinaynaa oo dadkaynu u furaynaa, meel seerayaal dawladdu samayso ayay noqonaysaa oo dadka aynu ku badbaadino, imminka sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF wuxuu inoo samaynayaa seerayaal uu geedo ka beero oo xoolaheena ku nafaqayno. Ma waxaynu sugnaa in aynu dad barino oo moqorofad qaadano, mise reer Somaliland-noow qof nus doolar bixiya waynu tahli karnaa, intaynu guddidaas iyo dawladaba ku daba faylno, ayuu qof walba bixin karaa wuxuu awoodo, ka wax weyn hayaa wax weyn bixiyo oo quudho, ka waxa yar hayaa waxa yar bixiyo, ilayn gacmo wada jir ayay wax ku gooyaane. Waxa aynu ururino ayaynu riigag ku qodano oo dhaamam ku qodanaa oo biyaheena badda galaya ayaynu qabsanaa, waynu heli karnaa reer Somaliland wixii ay goostaan way gaadhi karaan markii aynu cidhiidhiga galnay ee hantideena la bur-buriyay ee dhallinyaradeena la xidh-xidhay waxa aynu nidhi weynu iska dul qaadaynaa heeryadaas oo intaynu isu wada tagnay ayaynu gobonimadeenii la soo noqonay, maantana qaranimadeenii, xoolaheenii, dalkeenii iyo dadkeeniiba weynu badbaadinaynaa, sidee ayaynu ku badbaadin karnaa? Waa isu-tageena, waa wax wada lahaan shaheena waa quudhideena, markaa waxaan ku talinayaa khaasatan dumarow idinkaa hormuud ah ee ragga xaga danbe ka soo mara, dahabkeena aynu iibino oo wax walba ku darno, guddidan abaaruhu waxay samaysteen qorshe, waxay yidhaahdeen lacag sideed Milyan ah baynu u baahan nahay, dalalka saaxiibadeen wax way inoogu dari karaan oo qaar baa imminkaba yidhi wax baynu ku daraynaa, laakiin inagu waxa aynu goosanay inaynu ugu yaraan toddoba Milayn oo doollar ururino. Ballankeenu waa isku-tashi, wax wada qabsi iyo wada jir, reer Somaliland-noow gudo iyo dabadba ha inagu qaadato 40 maalmood waynu ku ururin karnaa,” ayey tidhi marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde.
Waxa ay tilmaantay in horumar badan la sameeyey muddada 26-ka sanno ah ee ay Somaliland jirtay, iyadoo dawladihii kala dambeeyey ee gacanta ku hayey talada dalkuna mid walba qayb ku lahayd waxqabadka iyo horumarka.
“Maanta meesha aynu maraynaana waa meel aad iyo aad u fiican meel. Dawladdo badan oo Adduunka laga ictiraafsan yahay oo dhaqaalaha dunidu bixiso ee sharciyadda ay ku bixisaba hela ayaynu ka fiican nahay oo nabadgalyadeenu ka wanaagsan tahay, si markaad u eegtana dhaqaalaheenu ka fiican yahay, duruufo adag ayaa ina soo maray, balse Somaliland duruufahaasi waxay kaga baxdaa isku duubni, wada-tashi iyo iyadoo qof weyn iyo mid yarba aan loo kala hadhin,” ayey tidhi marwo Aamina-weris.
Waxa kaloo ay tusaale u soo qaadatay in dhismaha waddada Ceerigaabo ka mid tahay waxyaabaha guulaha ee u qabsoomay Somaliland, taasoo ay xustay in lagu hirgeliyey dedaal iyo isku-duubni ay muujiyeen bulshada reer Somaliland, haddii ay yihiin ganacsatada, qurba-jooga, ardayda iyo dawladaba.