Johannesburg(ANN)- Marwo Aamina Suldaan oo u ololaysa Xoriyada iyo sidii ay Somaliland dunida uga heli lahayd aqoonsi, ayaa ku hanbalyaysay shacbiga Somaliland munaasibada 29-guurada kasoo wareegtay markii ay lasoo noqotay xoriyadeeda shirkii Burco 18 May 1991-kii.
Marwo Aamina Suldaan oo ku suntan dadka sida weyn naftooda iyo waqtigooda ugu huray sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran dunidu aqoonsantahay], waxay ka hadashay qadiyada Somaliland 29-guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda.
Marwo Aamina Suldaan oo deggan dalka South Africa oo ay muddo dheer ku noolayd, halkaas oo ay deganayd laga soo bilaabo 1992-kii, waxay muuqaal ay kaga hadlayso munaasibada 18 May soo gaadhsiisay shebekadda Araweelo News Network.
Halkan Ka Daawo Marwo Aamina Suldaan