X

Markabka Xanibay Suryada Suez Canal Oo Laga Hadlay Xalkiiisa

Evergiven Suez Canal Image Araweelo News News Network. 27 March 2021.

Araweelo News Network.

#Suez Canal Suryada Ugu Muhiimsan Marinada Aduunka Oo Xaniban Maalintii Shannaad

 

Cairo (ANN)-Markabka Evergiven ee laga leeyahay dalka Japan oo muddo dhawr maalmood ah xanibay isu socodka gaadiidka mara marinka muhiimka ah ee ganacsiga kanaalka Suez Canal, ayaa lag muujiyay rajo in meesha laga saarayo.

Weriye ka tirsan telefishanka Sky News Arabia, ayaa xaqiijiyey in dhaqdhaqaaq la doonayo in meesha lagaga saaro Markabka xamuulka ah ee xanbaarsan Koonteeranada uu socdo fiidnimadii Sabtida ee caawa.

Wuxuu sheegay in si markabka looga sagootiyo kanaalka muhiimka ah ee Suez Canal. ay  jiraan tilmaano wanaagsan marka la eego heerka hirarka sare, taas oo muuqatay intii lagu jiray hawsha jiidista markabka.

Madaxa shirkada Jaban Choi Kisen Kaisha oo iska leh Markabka ku xayirmay Suez Canal, ayaa muujiyay rajadiisa ku waajahan in markabka uu sabayn doono fiidnimada Sabtida, iyadoo dhinaca kale, saraakiil Masaari ah ay sheegayaan in mishiinadii Markabka ay dib ugu soo laabteen shaqadooda, taasoo ay ku macneeyeen mid muujineysa dhamaadka dhibaatada saameysay ganacsiga caalamiga ee ku xanibmay marinka muhiimka ah.

 

Dhinaca kale, Yukito Higaki ayaa ku sheegay shir jaraa’id intii hawsha la waday, “Waxaan ku jirnaa geeddi-socodka soo saarista Markabka, iyadoo la adeegsanayo aalado dheeri ah oo qodaya,” annaga oo filayna in la xoreeyo markabka “Evergiven” fiidka Sabtida, sidaana waxa sheegtay Wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganaysay Yukito Higaki.

“Biyuhu ma galaan markabka. Wax dhibaato ah malaha qalabka wax lagu rido iyo kuwa wax kiciya. Markaa kadib, wuu dabaalanayaa Markabku, waa innuu awood u yeeshaa innuu shiraacado,” ayuu yidhi Higaki, isagoo ka hadlaya Imabari, galbeedka Japan.

Markabka Xamuulka oo xanbaarsan Koonteerano, ayaa lagu magcaabaa Evergiven, wuxuuna  galay maalintiisii ​​shanaad, waxaana tan iyo mudadaa xanibnaa gaadiidka isaga gudba qaaradaha ee mara Suez Canal.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post