X
    Categories: Warar

Markab Shixnado Hub Siday Oo Lagu Qabtay Somaliland

Berbera(ANN)Markab kuwa Xamuulka qaada ah oo siday shixnad Hub ah, ayaa lagu qabtay Somaliland, kadib markii Markabkaa oo kusoo xidhtay Dekadda Magaalada xeebta ah ee Berbera la oggaaday inuu sido shixnad hub ah oo aan la aqoonsan meesha laga leeyahay iyo cida iska leh.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa xaqiijiyay inuu jiro Hubkaa lagu qabtay Markabka ku xidhan Dekedda magaalada Berbera, wuxuuna xusay inuu Hubkaasi isugu jiro Dubaabado, Gaadiidka gaashaaman, Qoryaha madaafiicda iyo agab kale oo Milateri.
“Hubka lagu qabtay Markabku wuu jiraa, wuxuuna ka koobanyahay Madaafiic, Beebeeyo, Doonyaha Badda, Qoryaha Madaafiicda iyo gaadiidka gaashaaman, Markabku wuxuu siday badeecad markii laga roggay ayaa la oggaaday inuu sido Hubkaa oo aan ku qornayn waraaqaha Badeecadii uu siday, waana la baadhayaa, wuxuu noo sheegay in uu soo maray dhinaca dekedda Dalka Soodaan iyo meelo kale, isla markaana uu ku socday Dubai oo uga sii gudbayay Berbera.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade oo la hadlay Idaacadda BBC-da.
Wixii kasoo kordha Markabkaa kala soco Araweelo News Network.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post