X

Markab Laga Leeyahay Singapore Oo Dumiyay Biriishka Baltimore Ee Maraykanka iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Buundada Francis Scott Key ee Baltimore oo duntay, Sawirka: Julia Nikhinson/Reuters

#Araweelo News Network: 

Baltimore, Maryland (ANN)-Biriishka weyn ee Dekedda Baltimore ee Maryland ayaa duntay Salaasadii kaddib markii markab weyn oo konteenar ah oo laga leeyahay Singapore uu jiidhay, kaas oo dhaliyay khasaare.

 

Markabka shilka geystay ayaa laga leeyahay dalka  Singapore, waxaana lagu magacaabaa Dali, kaas oo  lumiyay maamulkiisa markii uu ka soo baxayay deked u dhow, sida lagu sheegay warbixin aan la sifayn oo ka soo baxday Hay’adda Ammaanka Internetka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Maraykanka oo uu daabacay The Wall Street Journal.

Saraakiisha ayaa sheegay in ilaa todoba baabuur oo xilligaa marayay Biriishka, iyadoo dhawr qof la waayay,  ilaa liz qof ayaa la xaqiijiyay, balse waxa la helay mid ka mid dhawrkaa qof oo la waayay, halka baadidoon loogu jiro kuwii kale.

Arrinta shilka ayaa ku keentay  khalkhal mid ka mid ah dekeddaha ugu mashquulka baddan Maraykanka ee Baltimore Beltway Maryland .

Masuuliyiintu Maraykanka ee Maryland ayaa sheegay in dhacdada kiiska Biriishka Francis Scott Key ee Baltimore ee dumay loola dhaqmay sidii shil khasaare geystay oo kale.

 

Biriishka ayaa ah mid ahmiyad weyn u leh isku xidhka, isagoo dherer ahaan gaadhaya 1.6-mayl, isla markaana afar- haad ah, wuxuuna ku fidsan yahay Webiga Patapsco oo ku xidha  isgoyska ugu fog ee dekedda Baltimore Beltway oo lagu timaamo dekeddaha ugu waaweyn ee ugu muhiimsan Maraykanka.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post