Berbera (ANN)- Markab wayn oo nooca dagaalka ee ay leeyihiin Midowga Yurub, kaas oo isla markaana ay saarnaayeen ciidammada Badda ee Midawga Yurub (EUNAVOR), ayaa markii u horreysay taariikhda si toos ah ugu soo xidhay dekedda caalamiga ah ee Berbera habeenkii Axaddii.
Markabkan dagaalka oo uu leeyahay dalka Netherland, ayaa ujeeddada uu ugu soo xidhay dekedda Berbera la xidhiidhaa xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub iyo sidii ay saraakiil reer Somaliland ah u siin lahaayeen tababarro kor loogu qaadayo xirfadooda ammaanka iyo sharcigaba.
Dood-aqooneedka markabkan dushiisa ku dhexmaray shalay masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Md. Axmed Faarax Caddare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Xasan Axmed Aadan, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Maamulka Gobolka Saaxil oo ay wehelinayeen madax kale iyo dhanica kale saraakiil iyo masuuliyiin ka socday ciidanka Midawga Yurub ee EUNAVOR, EUCAO Nastor iyo UNSOM, waxa lagu falanqeeyey ammaanka badaha iyo la-tacaalidda dambiyada ka dhaca badaha.
Aqoon-is-waydaarsigan oo socday muddo maalin ah waxa masuuliyiinta iyo saraakiisha ka qaybgalay kaga doodeen dambiyada badaha ka dhaca iyo noocyadooda, shuruucda u taal ee lagula tacaalo, dhisidda awoodda aqooneed iyo qalab ee ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, caqabadaha ka jira dhinaca siyaasadda iyo shuruucda.
Wasiiru-dawlaha Amniga ee Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo isagu guddoominayey kulanka aqoon-is-waydaarsiga, ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland diyaarisay shuruuc badan oo ciidanka ilaalada xeebuhu ku shaqayn doonaan oo hadda horyaala Golaha Wasiirrada, isagoo xusay in loo baahan yahay taageerada beesha caalamka ee dhanka awood-dhisidda ciidanka badda iyo in ciidanka ilaalada xeeba Somaliland lagu caawiyo qalab si ay u sii xoojiyaan la tacaalista dambiyada badaha ka dhaca, waxaannu yidhi, “Wixii aan soo qabsanayna waan sheegnay, wixii aad nala qabateena waan sheegnay, wixii aan soo jeedinay iyo wixii aad soo bandhigteenba waxaan rajaynayaa in aan midhaheeda sida ugu dhakhsaha badan u arki doono. Aad baad u mahadsan tihiin, anagana xeerarka nalaga sugaayo sida ugu dhakhsaha badan baan u keenaynaa.”
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Cabdi Xirsi, ayaa kulankaas ka soo jeediyey qorshaha ay ku hawlgalayaan ciidammada badda Somaliland sannadaha soo socda, caqabadaha haysta ee u baahan in laga caawiyo, kuwaasoo ay ugu horreeyaan dhinaca tababarrada, aqoon-korodhsiga, dhismayaal, qalab iyo samaynta ay ku leeyihiin siyaasado iyo shuruucda arrimaha dambiyada badaha, “Waxaan ku faraxsanahay in Ciidanka Ilaalada Xeebtu tababar sida dadka loo badbaadiyo ah la baray, kaasoo lagu galay hadda doonyo iyo diyaarado. Waxa kale oo ay tababarka ciidanka ku siiyeen raadaalada cusub ee aan rakibnay oo anfici doona ciidanka xeebta,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Faarax Caddare oo kulankaas khudbad ka jeediyey, isla markaana saxaafadda dibada kula hadlay waxa uu sheegay inay Somaliland sharaf u tahay in Markab EU-du leeyahay oo kuwa dagaalka ah ku soo xidho dekedda Berbera, ciidanka ilaalada xeebanaha tababar lagu siiyo, waxaannu yidhi, “Waxa lagu falanqeeyey wax badan oo ah sidii loo horumarin lahaa ciidanka xeebaha aqoontooda iyo awooddooda, waxaana inoo sharaf ah in Markabkii ugu weynaa EU-da uu halkan joogo, waxaana ku xigi doona haddii Alle yidhaa maraakiib badan oo dalxiisayaal ah. Waxa ay ciidanka siiyeen tababar badan, waxay haystaan qalab ay ciidanka ku tababarayaan sida diyaarado.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa isna sheegay in kulankan markabkan oo si gaar ah lagaga hadlay dambiyada ka dhaca badaha iyo sidii loola tacaali lahaa, “Shir-cilmeedkan waxa lagaga hadlayey dambiyada ka dhaca badda iyo ciidamadeenna Ilaalada Xeebaha iyo weliba hay’adaha la halmaala sida kuwa sharci fulinta ee Booliska, amniga iyo Garsoorka iyo Caddaaladda, markaa waxa la isku waydaarsaday aragtiyo innagu waxaynu hayno iyo iyagu waxay keeneen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Waxa kale oo markii kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay Maamulka Gobolka Saaxil, saraakiil Markabka masuulka ka ahayd iyo Masuuliyiin hay’adaha shirkan qaban qaabiyey ee EUCUP Nestor iyo UNSOM oo dammaantood sheegay in kulankan ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah qaranka Somaliland iyo beesha caalamka.
Sidoo kale, markab kale oo ay leeyihiin Ciidammada Midowga Yurub oo ku dhex sugan badda Berbera, ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Xeebaha Somaliland lagu siinayaa tababar, iyagoo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee dagaalka lagu barayey hannaanka loogu gurmado, looguna badbaadiyo dadka badda ku go’dooma amma waxyeeladu ka soo gaadho.
Waa markii ugu horreeyey oo Markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay Midawga Yurub, gaar ahaan dalka Netherland (Dutch) uu si rasmi ah ugu soo xidho dekeda Berbera, isla markaana shir ay ku dul qataan masuuliyiin ka socday hay’adaha amniga iyo kuwa caddaaladda ee Somaliland.