X
    Categories: Warar

“Markaan Xukuumadda Ku Jiray Qaar Baa Odhan Jiray Xirsi Awoodii Buu Haystaa, Maanta Awoodii Idinkaa Hayee Ku Shaqeeya, Xisbiyaduna… Hoggaamiyaha WADDANI Mr. Xirsi

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u iftiimiyey sida Xisbiyada siyaasadda Somaliland ay ugu kala aragti duwanaan karaan siyaasadda arrimaha dibadda, balse aanay ugu kala duwanaan karin danta iyo dhibbaatooyinka guud ee qaranka soo waajaha, wuxuuna difaacay socdaalkooda iyo wixii ay soo qabteen, isagoo carabka ku dhuftay in hawshii ay ka soo qabteen magaalada Nayroobi Xisbiga WADDANI ay ahayd dan qaran oo waajib ku ahayd qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ah.

Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa ka dib safar ay isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa kaga soo laabteen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

“Xisbiyadu waa ay ku kala duwanaadaan siyaasadda arrimaha dibadda oo Xisbi walba si gaara ayuu u dhigi karaa laakiin baahida qaranka lagu ma kala duwanaado, dhibtana lagu ma kala duwanaado, taas baanu ka jawaabaynay, taas baanu wax badan ka soo qabanay haddii ay tahay safaaradda Sacuudi Arabiya iyo wadamo kaleba, waxa aanu kala hadalnay dhibbaatada jirta iyo xoolaha la joojiyey oo ah halkii dhaqaalaheena laf dhabarta u ahayd, sidaa oo kale waxa aanu kala hadalnay in ay ka qeyb-qaataan abaarta jirta iyo duruuftu inta ay leeg tahay, waxaana uu ahaa runtii haddii dawladdu ay imika cid u dirayso iyo haddii kaleba cod is barbar taagaya.”.Ayuu yidh Xirsi Cali X.Xasan

Hoggaamiyaha WADDANI Md.Xirsi Cali Xasan, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in wakhtigii uu Xukuumadda ka tirsanaan jiray lagu carab dhabi jiray in uu haysto awoodii dalka, balse aanu hada awoodii gacanta ku haynin ay weli qelinayso Xukuumaddu, wuxuuna u soo jeediyey in maadaama oo ay awoodii gacanta ku haystaan in ay umadda wax u qabtaan, isagoo yidhi:

“Waxa aanu lee nahay waar nin walow ba waxa aad umaddaada u qaban kartid badka u soo dhig , bulshadana waxa aad u qaban kartaa waa waxa yar ee aad ka geysan karto ee qaadhaanka ah e’ lagu ma tartamo in marba meelahaas xaflado laga qabsado oo la isku caayo oo waxa aanu lee nahay caydu siyaasad maahee, siyaasigu waa adeege oo anagu bulshada ayaanu u adeegaynaa. waxaanan hore u arki jiray qaar badan oo yidhaahda Xirsi dawladdii buu joogaa oo awoodii buu hayaa, waar maanta haddii aad idinku awoodii haysaan oo aanu idiin dhiibnay dee ku shaqeeya, annagu inta aanu haynaanu ku soo shaqeynaynaa.”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post