X
    Categories: Warar

‘Marka la Tartamo Dawladda Dhisanta ayey Dadku Wada Leeyihiin oo Way u Wada Dhexaysaa’ Muuse Biixi

Araweelo News Network

Oodweyne (ANN)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay loollanka iyo tartanka dhexmara xisbiyada qaranka ka soo dhex baxdo dawlad la wada leeyahay oo si siman ugu wada shaqaysa bulshada Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan.
Md. Biixi oo hadal ka jeediyey soo dhoweyn ballaadhan oo wefti uu hoggaaminayo ku qaabileen dadweynaha ku dhaqan degmada Oodweyne shalay, waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in bulshadu ka korto qabyaaladda, isagoo xusay in aannu jirin xisbi u xidhan qolo (qabiil) gaar ah.
“Dawladnimada iyo tartanka labadaba qaranka ayaa wada leh oo dastuurkaa dhigaya. Marka la tartamayo waxaynu nahay walaalo tartamaya, xisbiyaduna waa wada xisbiyo qaran oo nin walba waxa uu dadka soo hordhigaa waxaas ayaan qabanayaa oo hebel waxaas baan kaga duwannahay oo qaranka anigaa u qabanayaa. Xisbi qolo ah ma jiro, mid qolo wax ku doonayaana ma jiro, waayo xeerkeenuna ma dhigayo, caqliyadna maaha ee waa in aynu ka kornaa oo aynu heer qaran u tartannaa.
Markaa waan raacsanahay in xisbiyada qaranku cid walba u sharraxan yihiin oo magaalooyinka iyo dalka u siman yihiin oo midna aannu qolo ahayn ee dhammaan reer Somaliland uu wada yahay oo bari iyo galbeed xisbiyadu u siman yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Waxa kale oo uu ka digay in la siyaasadeeyo adeegyada ka dhexeeya bulshada, waxaannu yidhi; “Marka la tartamo dawladda dhisanta ayey dadku wada leeyihiin oo way u wada dhexaysaa. Markay saddexda xisbi tartamaan mid baa soo baxaya oo dawladda noqonaya, dadka oo dhanna xisbigaas uma codayn ee qayb baa u codaysay, laakiin markay labada kale ku raacaan ayey dawlad xalaal oo sharci ah noqonaysaa, kadibna waa la wada yeeshay, illeeyn codka xisbiga guulaystay iyo labadii kale ayaa la isku darayaaye sidaas ayeynu qaranka ku wada yeelannay.”

“Sidaa darteed, lama siyaasadayn karo adeegyada daruuriga ah ee dadku wada leeyahay sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, ammaanka, booliska iyo wixii la mid ahi, mana gali karaan siyaasad ee qof waliba xaq buu u leeyahay, qaranka ayaanay ka dhexeeyaan ee xisbi xisbi kuma xidhna, laakiin xisbiyadu waxay kala leeyihiin fikirka iyo aragtiyaha oo ay ku kala doodaan,” ayuu Muuse Biixi Cabdi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post