X
    Categories: Warar

Maraykanka oo Xayiraaddii ka Saarayn Ka Qaaday Ganacsadaha Caanka Ah Ee Soomaaliyeed Axmed Jimcaale

Araweelo News Network
Washington (ANN)Dawladda Maraykanka, ayaa si rasmi ah u qaadday xayiraaddii socdaalka iyo hantida laga saaray ganacsadaha Soomaaliyeed ee Axmed Nuur Jimcaale oo ah mulkiilaha shirkaddii xawaaladda ee Barakaad la odhan jiray.
Bayaan ka soo baxay hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan xakamaynta hantida dibadda, xayiraad-saaridda shaqsiyaadka, shirkadaha, dawladaha iyo hogaamiyayaasha kali-taliyayaasha ah (OFFICE OF FOREIGN ASSETS CONTROL) maalintii Khamiista, ayaa shaacisay 30 June 2016 in si rasmi ah Axmed Nuur Cali Jimcaale looga qaaday dhammaan xayiraadii ka saaranyd dhinaca socdaalka iyo hantidiisa gaarka ah.
Ganacsade Jimcaale, ayaa sidoo kale hay’adda Qarammada Midoobay waxay si rasmi ah sannadkii 2013 uga saartay liiska dadka hantidooda la xayiray, iyadoo dawladda Mareykanka ay ganacsadahan ku dartay liiska shaqsiyaadka la xayiray hantidooda iyo xorriyadda socdaalladooda sannadkii 2001-kii.
Axmed Nuur Cali Jimcaale oo dhashay 20 May 1954, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu hantidda iyo saamiyadda badan dadka Soomaalida ah, waxaanu hanti badan galiyey dalal badan.

Ganacsadaha Axmed Jimcaale oo ka hadlay sida uu arko xayiraadda laga qaaday, ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in ugu dambayntii laga qaaday xayiraaddii saarnayd, loona soo celiyey xaqiisii shaqsiyadeed oo ka maqnaa muddo 15 sanno ah, waxaannu si weyn ugu mahadnaqay dhammaan dadka iyo dawladaha gacanta ka gaystay in loo soo celiyo xorriyaddiisa shaqsiga ah, laga qaado xayiraaddii ka saarnayn hantidiisa iyo dhinaca socdaalkaba, tan iyo wixii ka dambeeyay 11 Sep markii la qarxiyay xaruntii ganacsiga aduunka.
Hase yeeshee 19 February 2012, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay(UN Security council) xayiraad saaray dhamaan ganacsiga Axmed Jimcaale, taas oo kusoo beegantay laba maalmood kadib markii Xawaalada Qaran Albaabada loo laabay, iyadoo la sheeciyay inay kacday, ama musalaftay. mana jiro qaraar golaha amaanku kasoo saaray ilaa hadda oo xayiraada lagaga qaadayo ganacsade Axmed Jimcaale, marka laga reebo qaraarka Maraykanku ku fasaxay dhaqdhaqaaqiisa iyo hantidiisa.

Sidoo kale Dawlada Imaaraadka Carabta, ayaa 24 August 2013 xayiraad saartay Axmed Jimcaale. kadib markii Bangiga dhexe ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta soo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib oo uu ku jiray Axmed Jimcaale, balse lama ogga in weli ay xayiraadii dhinaca Imaaraadka Dubai saarantahay Ganacsade Axmed Jimcaale iyo in laga qaaday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post