X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo War Kasoo Saaray Xiisada Dib U Dhaca Doorashada Soomaaliya

Donald Yamamoto

Muqdisho(ANN)-Maraykanka,  ayaa war kasoo saaray xiisada ka taagan dib u dhaca doorashada Soomaaliya ee qaramada Midoobay iyo beesha caalamku ku dirqiyayaan dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo xiligeedu gabaabsi yahay.

 

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah shir ugu ula yeelato Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, si xal waara looga gaadho khilaafka hadheeyay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashada.

 

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo lagu daabacay bogga Safaaradda ayaa lagu shegay in Dowladda Maraykanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeyso inay si deg-deg ah shir u qabato dhammaan Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka ee maamul goboleedyada,

 

Dastuurka ku meel gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah mabda’a wadahadalka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, Qodobka 51 farqadiisa (3) wuxuu dhigayaa in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal mar sannadkii”

 

“Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii dhowaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya” ayaa lagu yidhi, war saxaafadeedka.

 

Dowladda Maraykanka, ayaa lagu sheegay qoraal saxaafadeedka in ay ka go’an tahay taageerada dadka Soomaaliyeed  iyo inay horumariso hadafyadayada iyo himilooyinkeeda mustaqbalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo ballanqaad dib loo cusboonaysiiyay wada hadalka nabadeed, waxaana ku kalsoonahay iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu muwaadininta Soomaaliyeed u horseedi doono nabad, barwaaqo, iyo horumar” ayaa lagu yidhi, war saxaafadeedka Safaarada Maraykanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post