X

Maraykanka Oo Ugaadhsanaya Hablaha Uu Dhalay Madaxweyne Putin Iyo Shaqsiyaad Kale

Labada hablood ee Kateria Tikhonova iyo Maria Vorontsova

Araweelo News Network.

Kateria Tikhonova iyo Maria Vorontsova, Labada Hablood ee Putin Dhalay

Washington(ANN)-Maraykanka, ayaa beegsanaya laba hablood oo uu dhalay Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin iyo masuuliyiinta xukuumadda oo magacyadooda la shaaciyay, kuwaas oo ay ku jiraan Danjirayaasha Qaramada Midoobay u jooga iyo Xaaska Sergey Lavrov oo ah Odayga ruug-cadaaga ah ee Wasiirka Arrmaha Dibedda Ruushka.

Xukuumadda Washington, waxay sheegtay in iyadoo laga jawaabayo duullaanka Ukraine cunaqabataynta lagu daray shaqsiyaadka la beegsanyo Maria Vorontsova iyo Kateri Tikhonova, kuwaas oo ah labada hablood ee uu dhalay Madaxweyne Vladimir Puth Putin.


Warkan oo Washington shaacisay Arabacadii, waxay ku xaqiijisay in marka laga hablaha Putin, Maraykanku sidoo kale beegsanayaan ra’iisal wasaare Mikhail Mishistin, wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov xaaskiisa iyo dhaxalka Gollaha Amniga ee Ruushka, oo ay kujiraan haweenayda madaxweynihii hore ee Ruushka iyo ra’iisal wasaaraha Dmitry Medvedev.

Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn xayiraad ah oo ka dhan ah xarumaha maaliyadeed ee Ruushka soo rogay, waxayna Washington ka jaray dhammaan xubnaha qoyska ee ka soo jeeda nidaamka maaliyadeed ee Putin waxa ay leeyihiin ee ka socda nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka iyo wixii hanti ah ee ay ku hayaan Maraykanka.


Labada hablood ee Kateria Tikhonova iyo Maria Vorontsova waxa dhashay Lyudmila Putina.
Maria oo ahayd xaaskii hore ee Madaxweyne Putin.


Gabdhaha madaxweynaha Ruushka, Maria Vorontsova, oo ah 37, iyo Katerina Tikhonova, oo ah 35, ayaa ka dhalatay guurkiisa xaaskiisii hore ee Lyudmila Putina.

Maria ayaa la sheegay inay ku dhalatay St. Petersburg qiyaastii 1985, xilligaa oo Putin ahaa sarkaal KGB oo ku sugan dalka Jarmalka, iyadoo sannadkii ku xigay dhalatay Katerina.

Maria waxay shahaadada koowaad ka ee cilmiga Bayolajiga ee Saint Petersburg iyo shahaadada sare ka qaadatay Jaamacadda Gobolka Moscow ee 2011.

Maria, ayaa ganacsade Dutch-ka ah oo lagu magcaabo Jorrit FASsusen, uu furay bishii hore.
sidoo kale, Katerina waxaa la sheegay inuu tahay agaasime ku xigeenka Machadka Jaamacadda Moscow ee cilmi badhista xisaabeed ee nidaamyada adag.


Gabadha Katerina, waxay caan ku ahayd qoob-ka-ciyaarka, balse wax baddan lagama ogga nollosha shaqsiyadeed ee labada hablood iyo halka ay xilligan ku sugan yihiin, waxayna su’aalo baddan ka taagan yihiin haddii Maraykanku fuliyo qorshihiisa ku waajahan labada hablood ee Madaxweyne Putin sida xaal noqonayo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post