X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Uga Digay Dadkiisa Safarada Soomaaliya

Araweelo News Network


Washington(ANN)- Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa soo saartay fariin xanbaarsan digniin, iyadoo fariintaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka looga digayo inay safar ay ku tagaan dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warka digniinta ah dowladda Mareykanka waxay sheegtay in warbixino ay ka aruuriyeen dalka Soomaaliya ay muujiyeen khataro dhan walba ah oo soo waajahi kara dadka Mareykanka ah ee safarada ku taga halkaa.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay qorshaynayaan weeraro ay ku dilaan ama ay ku Afduubtaan dadka Mareykanka ah, waxaana si gaar ah looga digay in muwaadiniintoodu ay tagaan magaalada Muqdisho, goobaha lagu kulmo iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ee caasimadda Muqdsiho.

Sidoo kale digniinta Mareykanku soo saaray ayaa lagu sheegay in meelaha xeebaha leh ee Soomaaliya ay khatar badani kajirto oo kooxaha Budhcad Badeedda ay ku jiraan ugaadhsiga dadka reergalbeedka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda, waxay ka digtay in haddii weerar ay lakulmaan dadkeeda ku sugan Soomaaliya aanay heli karin gurmad degdeg ah sababa la xidhiidha, iyadoo aanay jirin safaarad Rasmi ah oo Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho, ayaa noqotay goob qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ay dhacaan maalin walba, iyadoo ay joogaan ciidamada tirada badan ee AMISON, balse digiintan, ayaa kusoo beegantay, iyadoo Todobaadyadii lasoo dhaafay weerar ay sheegtay inay Al-shabaab ku qaaday duleedka Kismaayo ku dileen saraakiil Maraykan ah.
Sidoo kale waxay digniinta Maraykanku kusoo beegantay, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada dadban oo lagu doortay labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana la filayo inay doortaan Madaxweyne cusub, balse dalalka Maraykanka iyo kuwa arrimaha Soomaaliya, ayaa walaac ka muujiyay doorashooyinkaa oo ay sheegeen in qaab musuq-maasuq ah loo maamulay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post