X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Soomaali Tahriib Ku Gashay Doonaya Inuu Dalkooda Ku Celiyo

Araweelo News Network
Washington(ANN)Dawlada Mareykanka ayaa sheegay in ay tobanaan dhalinyaro soomaali ah ay kasoo tarxiili doonaan Dalkooda.

Laamaha socdaalka xukuumadda Washington waxay sheegeen in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 40 qof oo soomaali ah oo sifo aan sharci aheyn ku galay gobolka Faloorida ee Mareykanka.

Safiirka soomaaliya u fadhiya wadanka Mareykanka ayaa Idaacadda VOA u sheegay in ay ka cabsi qabaan in tahriibayaasha soomaalida ah dib loogu celiyo dalkoodii.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in 40 qof soomaali ah oo qaab tahriib ah mareykanka ku galeen, kuwas oo la rumaysanyahay inay hadda Xabsi ku jiraan.

Hoggaamiyaal u hadlay Jaaliyadda soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in ay dadaal dheeri ah u geli doonaan sidii xukuumadda Washington uga baaqsan laheyd in tahriibayaasha safar dheer soo jaray aan dib loogu celin soomaaliya oo wali ay dagaallo ka socdaan.

Inta badan dadka soomaalida ee tahriibka ku gala wadanka Mareykanka ayaa ka baxa wadamada Koonfur Afrika iyo Angola waxayna sii maraan wadamo ay kamid yihiin Koostariika iyo Heyti, halkaas oo ay ku gaadhaan Maraakiib, balse khadka tahriibta ee dhinaca Maraykanka, ayaa hada u muuqda mid fashilmay oo indhaha hay’addaha Maraykanka iyo warbaahinta gudaha soo jiitay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post