X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Si Debecsan Uga Hadlay Natiijada Doorashada Dalka Djibouti

Araweelo News Network
Washington(ANN)Dowladda Maraykanka ayaa shacabka Djibouti ku ammaantay sida nabad ah ee ay uga qeybgaleen doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Djibouti Jimcihii la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in inkastoo doorashooyinku ay muhiim u yihiin bulshooyinka dimoqraadiyada ku dhaqma, haddana dimoqraadiyad sidoo kale lagu dhiso aas-saaska sharciga iyo kala danbeynta, xorriyada madaniga iyo doodaha siyaasadeed ee furan ee dhexmara dhinacyada.

Maraykanka ayaa sheegay inuu ku boorinayo dowladda Djibouti inay taageerto xorriyadaha shirarka nabadeed, urur iyo fikradaha dhammaan dadka rayidk ah ee Djibouti.

Maraykanka wuxuu sheegay inuu xidhiidh xooggan ka dhaxeeyo Djibouti, isla markaana uu rajeynayo inuu sii kordhiyo danaha ay labada dhinac wadaagaan iyo in dadka Djibouti laga gacan siiyo inay sameystaan barwaaqo badan, aamin iyo dimoqraadiyad mustaqbalka.
Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay fiiro gaar siinayso hadallada ay soo gudbiyeen IGAD iyo ururada kale iyo soo jeedinta ururka Midowga Afrika ee ku aadan kor u qaadista hannaanka doorashada mustaqbalka Djibouti, wuxuuna Maraykanku sheegay inuu rajaynayo inuu Dowladda Djibouti kala shaqaynayo sidii soojeedimahaa kor loogu sii qaadi lahaa, balse laguma cadayn hadalka Maraykanka waxa ay yihiin hadallada ay soo gudbiyeen IGAD, waxa ay yihiin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post