X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Sheegay inay Dileen Saraakiil Sare Al-shabaab Ah Iyo Kuwo Ay Nolosha Ku Qabteen

Araweelo News Network


Saakow(ANN)- Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwa kalena nolosha ku qabteen, kadib markii ciidankoodu hawlgallo qorshaysan ku weerareen saldhigyo dagaalyahannada kooxdaasi ku leeyihiin degaanka Saakow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya horraantii toddobaadkan.

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka oo ay taageerayeen ciidanka maamulka Soomaaliya oo weerarro xooggan ku qaaday fadhiisimada Al-shabaab ee degaannada Saakow maalmihii Jimcaha iyo Sabtida ee taariikhdu ahayd 10 iyo 13 August 2016, ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 30 dagaalyahan ay ku jiran saraakiil sare kooxdaas ka tirsanaa, halka kuwa kalena gacanta lagu dhigay sida lagu dabacay wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua.

Wakaaladda Xinhua oo xiganeysa masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, ayaa baahisay in weerarrada ka dhacay magaalada Saakoow lagu beegsaday xubnaha ugu sarreeya Al-shabaab oo halkaas ku shirayey.

Sarkaalka Ameerikaanka ah oo aan magaciisa la shaacin waxa uu intaa ku daray, in hoggaamiyaha Al-shabaab, Abuu Cubeyda loo maleynayo in weerarkaas lagu dilay amma ka mid yahay xubnaha ciidankoodu qabteen.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee ku dhintay weerarkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Afhayeenkii Hawlgallada ee Al-shabaab Sheekh Cabdulcasiis Abu Muscab iyo xubin sare oo la odhan jiray Abu Cumar.

Warka laga soo xigtay dawladda Mareykanka ayaa ku soo beegmay xilli madaxda maamul-goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland sheegeen in weerarrada ka dhacay Saakow lagu dilay saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda Al-shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo u warramay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay maalmaha soo socda soo bandhigi doonaan caddaymo saraakiisha Al-shabaab ee ku dhintay hawlgallada ciidammada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen degaanka Saakow.

Kooxda Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadal weerarrada lagu sheegay in lagu dilay saraakiil sare oo dagaalyahannadooda ka mid ahaa, isla markaana kuwo kale nolosha lagu qabtay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post