X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Sheegay In Weerar Lagu Fuliyay Xero Al-shabaab Ku Lahayd Muqdisho Khasaare Lagu Gaadhsiiyay

Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)Maraykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerar cirka ah oo ay loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee meelaha fog laga hago ee loo yaqaan Drones-ka.

Xarunta Pentagon-ka ee Maraykanka, ayaa u cadaysay BBC in ay ku qaadday weerar xarun tababar oo ku taalla Soomaaliya.

Xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay in weerarku uu dhacay maalintii Sabtida, kaasoo bartilmaameedku ahaa Xero tababar oo ku taalla caasimadda Muqdisho.
Waxaa Maraykanku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay in ka badan 150 ka tirsan dagaalamayaasha al-Shabab, waa sida Pentagon-ka uu sheegay, iyadoo dagaalamayaasha al-Shabaab ay isu diyaarinayeen weerar xoog leh xiliga weerarku dhacay, balse dagaalyahanka Al-shabaab ayaan wax jawaab ah ka bixin weerarka iyo sheegashada Maraykanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post