X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Sharci Kusoo Roggay Shaqaalaha Aqalka Cad Kadib Markii Coronavirus Laga Helay Saraakiil Ka Tirsan

WASHINGTON, DC - MARCH 20: Director of the National Institute of Allergy and Infectious Diseases Dr. Anthony Fauci holds up the "15 Days to Slow the Spread" instruction as U.S. President Donald Trump looks on during a news briefing on the latest development of the coronavirus outbreak in the U.S. at the James Brady Press Briefing Room at the White House March 20, 2020 in Washington, DC. With deaths caused by the coronavirus rising and foreseeable economic turmoil, the Senate is working on legislation for a $1 trillion aid package to deal with the COVID-19 pandemic. President Trump announced that tax day will be delayed from April 15 to July 15. (Photo by Alex Wong/Getty Images)

Washington(ANN)-Xukuumadda Maraykanka ee Madaxweyne Trump, ayaa kusoo rogtay amar cusub shaqaalaha ka hawlgala Aqalka cad ee looga taliyo dalkaa, waxaana lagu amray xidhtaan qalabka layskaga difaaco xannuunka Coronavirus ee Gafuur-xidhka iyo gacma-gashiga.

Amarka kasoo baxay Aqalka cad, ayaa soo baxay, kadib markii laba ka mid ah saraakiisha Aqalka cad laga helay cuddurka COVID-19, kaas oo si weyn u gil-gilay Maraykanka, isla markaana six un ugu baahay dalkaa oo hormood u noqday dalalka Aduunka ee uu aafeeyay xannuunka Coronavirus.

Sarkaalka u sareeya shaqaalaha Aqalka Cad ayaa sheegay in ay qasab tahay in shaqaalaha ay Afka xidhtaan oo ay isticmaalaan qalabka Gafuur-xidhka ee (Maaskaraha) iyo Gamaca-gashiga marka ay soo gelayaan qaybta loo yaqaano West Wing ee Aqalka Cad iyo marka ay baxayaan, marka laga reebo inta ay xafiisyada ay ku shaqaynayaan fadhiyaan.

Sidoo kale, amarka cusub ee lagu soo roggay shaqaalaha Aqalka Cad, ayaa soo ka dib markii mid ka mid ah kaaliyayaasha Madaxwaye ku xigeenka Maraykanka Mike Pence iyo sarkaal aad ugu dhaw Madaxwayne Trump labadaba laga helay cuddurka COVID-19.

Mr Trump, oo ka hadlay xeerka lagu soo roggay shaqaalaha Aqalka Cad, ayaa sheegay in loo baahnaa xeerkan cusub.

Dhinaca kale, waxa karantiin la geliyay saddex xubnood oo ka mid ah guddida xakamaynta Coronavirus, kuwaas oo la sheegay in markii ay muddo labo toddobaad ah ka dib la macaamileen shaqsiyaad cuddurka laga helay ay khasab noqotay in iyagana la karantiimeeyo.

Dr Anthony Fauci, oo isagu safka horre kaga jiray dagaalka ay Maraykanku kula jiraan cuddurka Covid-19. Ayaa ka mid ah dadka iskood isu karantiimay.

Saraakiisha Aqalka Cad ee sida maalinlaha ah ula kulma Madaxwayne Trump ayaa khasab laga dhigay in xilligan si joogta ah cuddurka looga baadho, kadib markii ay xaaladda faafitaanka cuddurka iyo dhimashada uu sababay noqdeen mid sare usii kacay dalka Maraykanka.

Mr Trump ayaa sheegay in lacago badan loo qoondeyn doono si sare loogu qaado baadhitaanada gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka, iyadoo sida uu sheegay Xukuumaddiisu lacago dhan $11 bilyan u qoondaynay gobolada si loo gaadho bartilmaameedka baadhitaanada cuddurka sida xun ugu baahay dalka ee COVID-19.

warbixinihii u danbeeyay ee Maraykanka ee lagu shaaciyay degelka Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee lagu ururiyo COVID-19, tira uu asiibay ee dunida oo dhan.

Waxaana lagu sheegayaa in  ay dalka Maraykanka u dhanteen inta la ogyahay dad gaadhaya 83,227, qof, iyadoo 24 saacadood ee u dambeeyay cuddurka ugu dhimatay dalka Maraykanka dad gaadhaya 1,432 qof, kiisaska cusub ee saacadihii u danbeeyay ayaa noqonaya 19,018, taas oo si weyn kor ugu kicinay dhimashada iyo faafista gudaha Maraykanka ee Coronavirus, iyadoo tirada uu haleelay lagu sheegay 1,404,852 qof.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post