X
    Categories: Warar

Maraykanka oo Raalligelin ka Bixiyey Qaabka Ay Ula Dhaqmeen Muwaadin Ganacsade U Dhashay Imaaraadka Carabta

Araweelo News Network

Ohio (ANN)Nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa la dhigay cusbitaal ku yaal degaanka Ohio ee waddanka Maraykanka, iyadoo faalig degdeg ku dhuftay, kadib markii uu argagax iyo naxdin ka qaaday ciidanka booliska Ameerika oo inta ay isu qabteen laba dible u xidhay.
Sida lagu arkay muuqaallo la duubay, ninka Carbeed oo magaciisa lagu sheegay Axmed Al Menhali oo shirkad suuq-geynta ah ku leh magaalada Abu Dhabi, waxa laga shakiyey luqadda Carabiga oo uu ku hadlayey, halka sidoo kale uu xidhnaa dirayska dhaqanka u ah dadka islaamka ee khamiiska cad iyo cummaamad, taasoo keentay in looga shakiyo inuu ka tirsan ururka ISIS/Daacish.
Ciidanka booliska Maraykanka oo aad u hubaysan, ayaa isku wareeg ka qabtay goob hudheel ah oo ninkani joogay, isla markaana waxa si degdeg loogu sheegay inuu beerka dhulka saaro, iyadoo shan askari isku qabteen, una xidheen laba dible, halka sidoo kale baabuurka booliska, kuwa dab-damiska iyo gurmadka degdeg ah ay gaadheen goobta.
“Anigu ma ihi argagixiso. Waxa aan ahayn nin ganacsade ah.” Sidaa waxa yidhi ninka dhibaatadu qabsatay oo booliska la hadlay, balse looma joojin ee waxa lagu sameeyey baadhis guud, meel kastana gacanta ayaa laga geliyey, iyadoo taasi sababtay in ninkaasi si aad ah u naxo, waxaanna markii dambe ku dhuftay xannuunka faaliga oo si degdeg ah ugu soo booday, waxana la dhigay cusbitaal si xaaladdiisa wax looga qabto.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, ayaa cambaaraysay falka lagula kacay muwaaddinka dalkeeda u dhashay. Waxa kaloo ay dadkooda uga digtay inay xidhaan dharka dhaqanka u ah bulshada Imaaraadka marka ay u safraan dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika, maadaama ay jiraan falal muslim nacayb ah.
Agaasimaha Fulinta ee Golaha Islaamka Ameerika ee CAIR (Council on American Islamic Relations) ayaa sheegay inay ninka dhibaatadu gaadhay ku booqdeen cusbitaalka, kaasoo ay sheegeen inuu weli argagaxsan yahay.
Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Cleveland ee Gobolka Ohio, ayaa sheegay in si khalad ah loo tuhmay ninka u dhashay Imaaraadka, iyagoo si buuxda raaligelin uga bixiyey arrintaas, waxayna tilmaameen inay aad uga xun yihiin sida loola dhaqmay ninkaas, iyagoo ballanqaaday in ay ka digtoonaan doonaan in falal noocaas oo kale ah ka dhacaan degaankooda dalka Maraykanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post