X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Qiray In Xukuumadda Dalka Iran Soo Riday Diyaarad Uu Lahaa Millaterigoodu

Tehran(ANN)-Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran (IRGC),  ayaa toogasho kusoo riday diyaarad ay leeyihiin Milateriga Mareykanka oo doonaysay inay hawlgal ka fuliso gobolka koonfurta xeebta ee Hormozgan.

Afhayeen u hadlay taliska ciidanka kacaanka dalka Iiraan, ayaa sheegay in ay dhulka soo dhigeen diyaaradaa oo ahayd  nooca wax basaasa ee loo yaqaan Drone –ka oo hawlo basaasnimo doonaysay inay ka fuliso halkaa, Iiraan sida ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda Iran.

“ciidanka ilaalada Kacaanka jamhuuriyadda Iran, ayaa dhulka soo dhigay diyaarad basaas oo Mareykanku leeyahay xilli ay ku dul haadaysay mandiqadda Kouh-e Mobarak ee Koonfurta wadanka”. Ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay xukuumadda Tehran.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in mid kamida diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn lasoo riday aroornimadii khamiista, mas’uul u hadlay wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in diyaaradda lala helay Saaruukh Iran leedahay, xilli ay dul haadaysay biyaha caalamiga ah,  gaar ahaan marin biyoodka Hormuz.

Dowladda Mareykanka,  ayaa xukuumadda dalka Iran  ku eedaysay in ay daan-daansi ku heyso ciidamadeeda ku sugan mandiqadda loo yaqaan bariga dhexe, waxayna Mareykanku beeniyeen in ay wax xadgudub ah ku sameeyeen hawada dalka Iran.

Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo xiisada u dhaxaysa Iran iyo Maraykanka ee ka taagan bariga dhexe sii xoogaysanay, isla markaana Maraykanku ciidamo kusoo daabulay bariga dhexe, isla markaana  taageero ka helaya dalalka Kahliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka carabta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post