Tehran(ANN)-Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran (IRGC), ayaa toogasho kusoo riday diyaarad ay leeyihiin Milateriga Mareykanka oo doonaysay inay hawlgal ka fuliso gobolka koonfurta xeebta ee Hormozgan.
Afhayeen u hadlay taliska ciidanka kacaanka dalka Iiraan, ayaa sheegay in ay dhulka soo dhigeen diyaaradaa oo ahayd nooca wax basaasa ee loo yaqaan Drone –ka oo hawlo basaasnimo doonaysay inay ka fuliso halkaa, Iiraan sida ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda Iran.
“ciidanka ilaalada Kacaanka jamhuuriyadda Iran, ayaa dhulka soo dhigay diyaarad basaas oo Mareykanku leeyahay xilli ay ku dul haadaysay mandiqadda Kouh-e Mobarak ee Koonfurta wadanka”. Ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay xukuumadda Tehran.
Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in mid kamida diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn lasoo riday aroornimadii khamiista, mas’uul u hadlay wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in diyaaradda lala helay Saaruukh Iran leedahay, xilli ay dul haadaysay biyaha caalamiga ah, gaar ahaan marin biyoodka Hormuz.
Dowladda Mareykanka, ayaa xukuumadda dalka Iran ku eedaysay in ay daan-daansi ku heyso ciidamadeeda ku sugan mandiqadda loo yaqaan bariga dhexe, waxayna Mareykanku beeniyeen in ay wax xadgudub ah ku sameeyeen hawada dalka Iran.
Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo xiisada u dhaxaysa Iran iyo Maraykanka ee ka taagan bariga dhexe sii xoogaysanay, isla markaana Maraykanku ciidamo kusoo daabulay bariga dhexe, isla markaana taageero ka helaya dalalka Kahliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka carabta.