X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Malaayiin Dollar Ku Baayacay Madaxda Al-shabaab

Washington(ANN)Dawladda Maraykanka ayaa malaayiin doollar dul-dhigtay lix ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, iyadoo abaalmarintan la siin doono cid kasta oo keenta warbixino iyo xogo ku saabsan noloshooda.
Waaxda abaal-marinta ee Mareykanka, ayaa 6 milyan oo doollar dul-dhigtay xogaha xubno uu ka mid yahay Amiirka Al-shabaab Sheekh Axmed Diiriye (Abu Cubeyda), kaasoo xilka loo doortay bishii September ee sannadkii hore, kaddib markii la dilay hoggaamiyihii ka horreeyey Axmed Cabdi Godane.
Sidoo kale, waxa min shan milyan oo doollar xogahooda lagu raadinayaa saddex xubnood oo kala ah; Mahad Karatey, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo ka tirsan madaxda sare ee Al-shabaab.
Saddexdan xubnood ayaa lagu eedeeyey ka qayb-qaadashada shirqoollo dil iyo weerarro ka dhan ah masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, askareynta dhalinyarada iyo beegsiga danaha reer galbeedku ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa min 3 milyan oo doollar la dul-dhigay Macallin Salmaan iyo Axmed Iimaam Cali, siiba Salmaan oo Mareykanku ku eedeeyay inuu madax u yahay dagaalyahannada Al-shabaab ee ka soo jeeda dalalka Afrika.
Axmed Iimaam Cali ayaa isagana lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay askareynta dhalinyarada Keenyaanka ah, isla markaana lacago u soo ururiyo kooxdaas.
Ugu dambeyn, dawladda Mareykanka ayaa Al-shabaab u aqoonsaday urur argagixiso sannadkii 2008, waxana la fadhiisiyey dhaqaalaha madaxda, iyadoo hore lacago malaayiin doollar ah dul-dhigay hoggaamiyeyaal dhawr ah oo uu ku jiray Axmed Godane oo lagu dilay weerar duqayn diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku la beegsadeen September 2014.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post