X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Malaayiin Dollar Ku Baayacay Hoggaamiyayaasha Sare Ee Daacish

Washington (ANN) Xukuumadda Washington, ayaa shaacisay Magacyada iyo muuqaalka Afar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo malaayiin Dollar oo lacag ah lagu baafinayo, iyadoo lacagtaa loo balanqaaday ciddii ka keenta macluumaad.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa balan qaaday in ragga Hoggaamiyaaysha ah ee ay doonayaan ciddii keenta xog lagu dilo karo, ama ugu yaraan lagu qaban karo la siin doonaa isku geyn lacag dhan 20- Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Qorashahan ayaa loo arkay mid qayb ka ah kadib hawlgalo dhinaca Cirka oo ay muddooyinkan danbe ka wadaan Ciraaq iyo Suuriya oo la doonayay in lagu naafeeyo kooxda Daacish ay waxba iska beddeli waayeen, iyadoo weerarada dhinaca Cirka ee Maraykanka iyo Xulufada reer galbeedka oo ay weheliyaan Ciidamada Ciraaq iyo Suuriya waxaba ka beddeli waayeen xaalada dagaalka yahanka Daacish ee ka dagaalama Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo weli gacanta ku haya deegaamo baddan oo ka tirsan labada dal, isla markaana doonaya inay isku sii balaadhiayaan deegaamo muhiim ah.

Magacyada Hogaamiyaasha Daacish ee Mareykanku lacagta uu dul dhigay ayaa kala ah sidan:-

1: Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli, kaas oo la sheegay in uu ka mid yahay abaanduulayaasha sar sare ee Kooxda Daacish.

2 Abu Mohammed al-Adnani, kaas oo lagu sheegay inuu yahay Afhayeenka kooxda Daacish.

3 Tarkhan Batirashvili, Tarlkan, waxa lagu sheegay inuu yahay Taliyaha Xabsiyada Kooxda Daacish.

3 Tarkhan Batirashvili, (Abuu Cumar Alshiishaani), waxa lagu sheegay inuu yahay Taliyaha Xabsiyada Kooxda Daacish.
4 Daariq Alxarzi oo ah hoggaamiyayaasha sare ee Daacish.
Afarta Hoggaamiye ee Daacish ee Maraykanku baafinayo, waxa mid ka mid ah uu lasoo shaqeeyay Abuu Muscab Al-zarqawi amiirkii Tandiimka Al-Qaida Iraq oo Maraykanku duqeyn ku dilay sanaddii 2006.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post