X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Ka Hadlay Shuruudaha Lagu Xidhay Dalka Qadar

Araweelo News Network

White House Press Secretary Sean Spicer takes questions during a briefing at the White House February 2, 2017 in Washington, DC. (Photo by AFP)


Washington(ANN)-Dowladda Maraykanka ayaa ku tilmaamtay xiisadda sii socota ee u dhexeysa dalka Qadar iyo waddamo kale oo Carabta ah, in ay tahay mid salka ku haysa “arimo qoys”.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo, Sean Spicer, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayay weriyayaal ku sugnaa Washington.
“Waxaan rumaysannahay in khilaafkan uu u dhexeeyo qoys, afarta dal ee is-hayana waxaa looga baahan yahay in ay gaadhaan xal dhexdooda ah,” ayuu yidhi, Spicer oo intaa raaciyay, “haddii ay gacan nooga baahan yihiin diyaar ayaan u nahay, balse waa in ay xalka gaadhaan.”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Qadar ayaa waxaa go’doomiyay dhowaan xulafo uu horkacayo Sacuudiga, waxaana loo soo bandhigay 13 dalab oo ay tahay in ay fuliso xukuumadda Dooxa, si looga qaado cunaqabateynta.

Waxaa shuruudahaasi ka mid ah in Qadar ay xidho warbaahinta Al Jazeera, isla markaana xidhiidhka u jarto Iran.
Dalalka uu u dhexeeyo khilaafkan ayaa dhammaantood xidhidih dhaw la leh Maraykanka, xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanku weli kama hadlin shuruudaha lagu xidhay dalka Qadar.
Wasiirka arimaha dibedda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, ayaa xaqiijiyay in uu soo gaadhay dhinacooda liiska dalabaadka ee kaga yimi Sucuudiga iyo xulufadiisa, wuxuuna xusay in ay diyaarinayaan jawaabta ku haboon ee ay Ka bixinayaan dalabkaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post