X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Ka Hadlay Ka Bixitaanka Ciidamadda AMISOM Ee Somalia

Araweelo News Network

Washington(ANN)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa ka hadashay ka bixitaanka  AMISOM ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in aanay xilligan munaasab ahayn inay AMISOM ka baxaan Somalia, iyagoo xusay in ay  ka digayaan inay Kooxaha Xag-jirka ah ay dhibaato u geysanayaan mandaqada Iyo gobolkaba.

 

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Wohleris Mariyoon, ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalladda Nairobi in aanay Dowladda Maraykanka rajeyn doonin inay wax Ciiddan AMISOM ka tirsan ka baxaan Somalia bisha soo socota ee December.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Ciiddanka AMISOM siiyaan Taageero dhinacyadda Tababarka, Dhaqaalaha, Loojistikada iyo Taageeradda La-talinta, si loo dhiso Awoodda Ciiddanka Somalia ee ka garab shaqeeya kuwa AMISOM.

“Annaga ma taageeri doono in hoos loo dhigo Heerkaasi xilligan, iyadoo la fahamsan yahay Walaaca Ammaanka ee sii socda” ayuu yidhi Wohleris Mariyoon.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka taageerayaan Shuruudaha asaaska u ah Dhimista Ciiddanka AMISOM, taasi oo uu xusay inay ku xidhan tahay Horumarinta Awoodda Khibradeed ee Ciiddanka Ammaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii August ee sannadkan soo saareen Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2373, kaasi oo lagu muujiyey in ay Dhismista Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2017-ka.

Taliska AMISOM, ayaa  iyagana dhawaan sheegeen in bisha soo socota 1,000 Askari oo AMISOM ah laga daad-gureyn doono Somalia, iyadoo 1,000 kalena la daad-gureyn doono bisha May ee sannadka soo socda ee 2108-ka.

Sidoo kale qaybta ugu dambeysa ee 21,000 Askari ee Ciiddanka AMISOM ka jooga Somalia waxaa laga daad-gureyn doonaa sannadka 2020-ka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post