X

Maraykanka Oo Ka Digay Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Farriina U Diray Dhinacyada Ku Muransan

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Dawladda Maraykanka, ayaa si adag uga hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, taas oo sii xoogaysatay kaddib markii ay dhammaatay muddada xilka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aannu jirin wax heshiis ah oo ay hoggaamiyayaasha Siyaasadu isla gaadheen.

Maraykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaranka Soomaaliya inay deg deg u xaliyaan is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada Soomaaliya, oo ay sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya.

 

“Is-mari waaga siyaasadeed ee sannadkii tegay wuxuu dhaliyey horumar la’aan niyad jab leh oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, horumarinta amniga, sare u qaadidda horumarinta dhaqaalaha kaddib markii lagu guuleystay wejiga koowaad ee deyn cafinta, iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto amni-darrada cunnada iyo musiibooyinka halis gelinaya Soomaali badan,” ayaa lagu yidhi, qoraalka safaaradda Maraykanka.

Dowladda Maraykanku, waxay ugu baaqday dhinacyada siyaasada Soomaaliya in si deg deg ah oo loo xaliyo is-mari waaga siyaasadeed oo ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya in la eego.

“Waa mas’uuliyadda iyo waajibaadka qaran ee hoggaamiyayaasha qaranka iyo kuwa gobollada inay dhinac iska dhigaan raadinta faa’iido siyaasadeed, ayna taa beddelkeeda ka shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, oo u qalma inay waxa ugu wanaagsan ka helaan hoggaamiyayaashooda,” ayaa lagu yidhi, qoraalka.danjiraha dawladda Maraykanka u jooga Soomaaliya kasoo saaray xiisadda khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, “Hadda waa waqtigii la xalin lahaa arrimaha taagan lana dhameyn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka.”, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo maanta ay ku egtahay muddo-xileedka Afarta sannadood ahayd  ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo koxoda la baxay Midowga Murrashaxiinta ay sheegeen in aannay hadda wixii ka dambeeya madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post