X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Ka Digay Dagaalka Ka Socda Ethiopia Baaqna U Diray Dawladda Federaalka Iyo Maamulka Tigreega

Araweelo News Network.

Tigreega oo duqaymo iyo weerraro ka fuliyay Garoomada diyaaraddaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gonder ee Gobolka Amxaarada

Washington(ANN)-Maamulka Trump ee lagaga adkaaday doorashadii 3 November 2020, balse ku gacansaydhay inuu aqbalo natiijada doorashada iyo guusha Jeo Biden, ayaa ka hadlay xaaladda dagaalka dalka Ethiopia ee u dhexeeta xukuumadda Federaalka ee Abiy Ahmed iyo Maamul goboleedka Tigreega.

Maamulka Trump, ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalka Ethiopia in ay si deg deg ah u joojiyan dagaalka ka socda gobolka Tigreega ee dalka Ethiopia, kaasi oo sababy xasuuq iyo inay kumanaan qof ka cararaan guryahooda, iyadoo todobaadkii u danbeeyay uu dgaalku u dhaxeeyay maamulka TPLF iyo ciidamada federaalka Ethiopia.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yidhi, “waxaan cambaaraynaynaa shacabka lagu xasuuqay magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqaynaa in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigreega. Waa muhiim in nabadda lasoo celiyo shacabkana la badbaadiyo.” Ayuu yidhi.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in boqolaal qof lagu xasuuqay magaalo ka tirsan gobolka Tigreega ee dhanka Woqooyiga gobolkaa, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Dhinaca kale, Labada Garoomada diyaaraddaha ee magaalooyinka Bahir Dar, oo loo yaqaan Ginbot 20 Airport, isla markaana ah meel u dhow harada Tana; halka Gonder’s Atse Tewodros Airport uu ku yaal meel 18 km koonfur ka xigta magaalada, ayaa xalay qaraxyo ka dhaceen, waxaana sidoo la maqlayay rasaas muddo socotay. Sida ay xaqiijiyeen Xafiiska xidhiidhka dawladda ee isgaadhsiinta ee gobolka Amxaarada.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo sidoo kale labada madaar uu soo gaadhay khasaare, isla markaana diyaaradda Ethiopia Airline, ayaa joojisay duulimaadyadii madaaradaa.

Weerarka, ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa gantaalo ay soo tureen maamulka Tigreega, iyagoo sheegay in labada garoon ay yihiin kuwa ay dawladda Federaalka u adeegsanay dumqaymaha ay sheegeen in  shacbiga Tigreega lagu bartilmaameedsaday, isla markaana xasuuqa loogu geystay dadkooda.

 

Dagaalka gobolka Tigray ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in xaaladda dagaalku isu bedesho dagaal sokeeye oo si weyn ugu faafa dalkaa oo ay ku nool yihiin 110milyan oo ka kooban in ka badan 80 qowmiyadood.

Dagaalka ayaa durba sababay xaalad bani’aadannimo oo sababtay in qiyaastii 15,000, oo qof oo shacab ah ay ka qaxeen gobolka, kuwaas oo firxadkii u gudbay dalka Sudan.

Xaaladda dagaalka, ayaa timi, kaddib markii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed amar ku bixiyay in ciidamadda Federaalku qaadaan howlgalka militari oo ka dhan ah gobolka Tigreega 4 November, kadib markii uu ku eeedeeyey ciidamada TPLF inay weerareen saldhiga militari ee ku yaal Woqooyiga gobolka Tigreega ee TPLF, walaw ay maamulka Tigreegu beeniyeen eedeyntaas.

Dhinaca kale, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadamaha, Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in baadhitaan deg deg ah oo lagu sameeyo xasuuqa ka dhacay magaalada Mai-Kadra, kaddib markii la xaqiijiyay in xasuuq ka dhacay halkaa markii ay qabsadeen ciidamadda Federaalka oo ay weheliyaan Malayshiyo kasoo jeeda deegaanka Amxaarada iyo Ciiddanka Ereteria.

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post