X

Maraykanka Oo Digniin U Diray Hoggaamiyayaasha Soomaalida

Araweelo News Network.

Maraykanka Oo Digniin U Diray Hoggaamiyayaasha Soomaalida

New York(ANN)-Maraykanka, ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya in la sameeyo rabshado dhiig ku daato oo khalkhaliya amniga, isla markaana mugdi geliya mar kale dalka Soomaaliya.

Richard Merrill Mills Jr. oo ah Wakiilka dowladda Maraykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay oo hadal ka jeediyay shirka gollaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baqay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay xal deg deg ah ka gaadhaan arrimaha doorashooyinka kana Shaqeeyaan Nabadda dalkooda, isagoo dhinaca kale xusay muhiimad weyn ee ay leedahay in la xaqiijiyo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Richard Mills oo ka hadlayay mudaharaadkii hubaysnaa ee ka dhacay 19-kii February magaalada Muqdisho ee sababay dhimashda, ayaa xusay in dibedbaxyadu horseedi karaan halis kale iyo in Somalia ay gasho hubinti la’aan kale, taas oo sida uu sheegay aannay marnaba aqbaalyn dawladda Maraykanku.

 

Dhinaca kale,  Wakiilka dowladda Maraykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay Richard Merrill Mills ayaa ugu baqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo xal lagaga gaadhayo doorashooyinka si looga badbaado halis soo waajahda dadka Soomaaliyeed.

Richard Mills, ayaa hadalakiisa ku xusay in Al-Shabaab ay yihiin halis weli ka jirta Soomaaliya, iyadoo Maraykanku gollaha amaanka usoo jeediyay in saddex kamid ah hoggamiyayaasha Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeedho Argagaxisada, waxayna magacyada saddexda ah ee Maraykanku u gudbiyay gollaha amaanka kala yihiin, Abuukar Cali Aadan, Macalin Aadan iyo Mahad Karate.

 

Digniinta dowladda Maraykanka ee ku waajahan hoggaamiyayaasha , ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay weli mucaaradku ku baaqayaan in ay dhigaan mudaharaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, iyadoo aannay dhinacyadu wax natiijo ah ka gaadhin khilaafka kad dhashay qaabka loo qabanayo doorashada.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post