X
    Categories: Warar

Maraykanka Oo Dawladda Ethiopia Ku Cannaanatay Xaalada Deg Dega Ah Ee Lagu Soo Rogay Dalka


Araweelo News Network

Rex Tillerson

Addis-Ababa(ANN)-Xukuumadda Washington, ayaa ku cannaanatay siyaasada ay qaadatay ee xukunka deg dega ah ee lagu soo rogay dalkaa,kadib mudaharaadyo rabshada wata oo sababay inuu is casilo Ra’iisal wasaarihii dalka Hailemariam Desalegn 15 Febeuary 2018.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson oo booqasho ku jooga caasimada Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa cambaareeyay xaaladda xukunka degdega ah ee ay xukuumadda Ethiopia ku soo rogtay dalka bishii hore.

Mr Tillerson, ayaa ku baaqay in dadka la siiyo xurriyad ballaadhan, balse Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson,  ayaa soo dhaweeyay siideyntii dhawaan ay dowladda Ethiopia xabsiga ka siideysay maxaabiis u xidhnaa siyaasad.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson, wuxuu  intaa ku daray in uu rajaynayo in dadka loo ogolaan doono in si nabad ah ay u mudaaharaadaan.

Rex Tillerson, ayaa booqasho  ku mari doona shan dal oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxayna booqashadiisa Ethiopia kusoo beegantay xili dalkaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah muddo Lix bilood ah. Kadib mudaharaadyo rabshada wata oo socday ku dhawaad muddo saddex sano ah, kuwaas oo dawladda Ethiopia lagaga soo horjeedo.

Dibadbaxyada ayaa inta badan ka dhacayay gobolada Oromada iyo Amxaarada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post